Markay MARWO eheed!

12111938_1044358665607336_9026397614002142218_n

Markay MARWO eheed!

Marka gabadhu eheed, bulsho, ee aysan cawro ahayn!
Marka gabadhu eheed, garasho, ee aysan garbasaar ahayn!
Marka hagoogtu eheed shaash, ee aysan jalbaab ahayn!
Marka xushmaddu eheed, asturka, ee aysan xijaabka ahayn!
Marka xarragadu leheed, laafyaha, ee aysan sulsulka ahayn!
Marka quruxdu eheed, kalsooni, ee aysan qaabka ahayn!
Marka noloshu aheed, farxad, ee aysan qarax ahayn!
Marka aroosku ahaa, guur, ee uusan wasmo ahayn!
Marka guurku ahaa, guri, ee uusan gododle ahayn!
Marka ubadku ahaa, ilwaad, ee aysan ayuuto ahayn!
Marka maamuusku ahaa, mudnaan, ee uusan musuq ahayn!
Marka milguhu ahaa, magac, ee uusan maal ahayn!
Marka halabuurku ahaa, haybad, ee uusan hafar ahayn!
Marka suugaantu eheed, sixin, ee aysan sunta ahayn!
Marka curisku ahaa, caafimaad, ee uusan cillad ahayn!
Marka carrigu ahaa, nabad, ee aysan colaadi jirin!
Marka ciddo leheed, ciirsi, ee aysan cudud beelin!
Marka calanku ahaa, cirka, ee uusan calallo ahayn!
Marka hanku ahaa, himilo, ee uusan hunguri ahayn!
Marka coodku ahaa, cad iyo caano, ee uusan caanoboori ahayn!
Marka midnimadu eheed, mabda’, ee aysan maaweelo ahayn!
Marka dawladnimadu eheed, darajo, ee aysan daldalo ahayn!
Marka anigu aan ahaa, iyada, iyaduna aniga i eheed!

Maarso, 2016

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s