MAALMAHAYGII MUQDISHO; dhaqaalaha iyo ganacsiga Q5AAD

horumarka-dhaqaale

MAALMAHAYGII MUQDISHO; dhaqaalaha iyo ganacsiga Q5AAD

 

In kasta, oo aanan ganacsi iyo dhaqaale waxba ka aqoon, haddana, dhagadhagayntii, la sheekaysi dhaqaaleyahanno iyo wixii aan indhahayga ku arkay anoo ka duulaya, ayaan dhawr sadar ku cabbiridoonaa dareenkayga, marka ha i sugina wax ka baxsan intaa.

Ganacsigeennu waa is ka dhar iyo dhuuni iibin. Cunto la cuno iyo calal gashto. Marka la barbardhigoa horumarka adduunka ka sameeyay ganacsiga qaybihiisa ka la duwan, keennu wali wuxuu taagan yahay qarniyadii dhexe iyo waayihii hore. Gaddisleey.

Haddii aad dalka keento adeeg aan hore uga jirin, labo maalin ka dib, waxaa beledka dhan qabsanaya adeeggii, oo meel walba lagu iibinayo, oo kugu keenaysa, inaad albabbada isugu dhufatid, haddii aadan u babac dhigi karin tartankaa tafojarka ah.

Dhanka kale, dhaqaalexumo iyo shiid ba’an ayaa dalka ka jira, oo sababta ugu weyn tahay shaqo la’aan iyo dhaqaalihii iyo ilihii dhaqaalaha oo gacanta u galay dhawr qof, oo u badan wadaaddo, aan danyar iyo bulsho u naxayn. Waa hallkuu indheergarad Cabdulqaadir Cismaan “Aromo” Alle ha u naxariistee ka yiri: “Wadaad tuugsada, Wahaabi shaqaybta ayaa badalay!”.

Si la mid ah waxaa dhaqaalaha la haysta xaaraan ku naaxyo iyo kuwo ka hodmay fawdadii dalka ka jirtay, ee aan waligood cabshuur dawlo iyo sako diin midna bixin, oon samofal iyo aqoon sadaqobixin.

Maanta si aad gacansi u abuurto kugu ma filla wax ka yar 100kun oo dollar, ganacsiyada qaar, nus milyan iyo ka badan ayaa laga hadlayaa, haddi kale waa inaad furataa; ganacsi saqajaan waxa loo yaqaan, sida dabakaayo ama timojire iwm.

Badi iibinta gacansi, ee dalka taal waa mid dhoof lagu keeno, marka laga reebo tiro yar oo qudaarta u badan oo ka soo go’da beeraha. Waxaa jira waxsoosaar wershedeed oon sidaa u sii buurnayn.

Dhanka kale, waxaa jira caqabado badan oo ganacsiga iyo ganacsata haysta, oo ay ka mid yihiin:

  1. Aqoon la’aanta ganacsatada ka haysta ganacsiga
  2. Dowlad la’aan ama xumi
  3. Tartanka iyo qoondo xumida ganacsada dhexdeeda
  4. Maaliyadda ama lacagta.
  5. Lacag qaran oon jirin

Waxaa jira gancasato awood u leh inay buuxiyaan ganacsiyada maqan sida; qandaraasyada dib u dhiska dalaka, aas aasida warshado wax soo saar leh oo waawayn ama buuxin kara halka maanta ay iskaashatooyin shisheeye ka hawlgalaan sida  FAVORI oo maamusha garoonka dekedda Muqdisho, balse, taa bedelkeed ku soo laabtay ganacsiyadii yaryara sida: Caanaha  xoolaha, badeecada daruuriga ah ee dhoofka lagu keeno sida sonkorta, iyagoo samayn kara warshaddii sonkorta, dharka  la xirto, biyaha la cabo ee sifaysan iwm.

Dalka waxaa laga hirgalshay, oo aan hore uga jirin bangiyo gaar loo leeyahay, in kasta, oo aan wali si fiican loo saldhigin bangiga dhexe ee dalka, oo la maqan wali siyaasad lacageed oon jirin. Furitaanka bangiyadan waliba heer caalami ah, waxay qayb ka yihiin hababka iskaashato ee dalka ku soo kordhay. Sidoo kale, waxaa dib loo furay ajabyadii shidaalka, oo aan muddo shaqayn.

Sidaa oy tahay, magaalada waxaa ka jira dhaqaaq xooggan, oo ganacsi, oo meel walba waxaa laga furayaa dukaan, bakhaar, hotel, xarun ganacsi iwm, oo dhammaan wada maalgelin ganaci iyo dhaqaale ah. Tan mar waa mid ku rajogelinaysa, marna ku quusinaysa. Marka hore waa il dhaqaale oo furmaya, shaqo abuur iyo kashin billow ah, oo lagu harmin karo ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, marka kale, maadaama amni jilacsan, agaasinxun iyo adeeg dilan ay saldhig ku yihiin waxay ku dambayn dabargo’ iyo duugow.

 

Fisha qaybta xiga, ee faallada

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s