Markow MUDANAHA ahaa!

12799140_1048378488538687_4201511972236834802_n

Markow MUDANAHA ahaa!

 

Marka ragga caqliga lagu ahaa, ee aan caarka lagu ahayn!

Marka ragga qawlka lagu ahaa, ee qooraha lagu ahayn!

Marka ragga xigmadda lagu ahaa, ee aan xaniinyaha lagu ahayn!

Marka ragga qorshe lagu ahaa, ee aan qayilaad lagu ahayn! 

Marka ragga qabka lagu ahaa, ee aan qarash lagu ahayn!

Marka quruxdu eheed qofnimada, ee aan qabiilku ahayn!

Marka ragga garaadka lagu xulan jirey, ee aan gu’ lagu xulan jirin!

Marka ragga lagu ahaa, deeqsinnimada, ee aan dagaagnimada lagu ahayn!

Marka cududdu eheed, ciidan, ee aysan cimaamad ahayn!

Marka raggu ahaa, rag, ee uusan ahayn rifrif ahayn!

Marka ninku ahaa, nin karmeed, ee uusan nacas ahayn!

Marka raggu dumarka u arkayey, wehel, ee uusan walax u arkayn!

Marka raggu dumarka lammaan u eheed, ee aysan, lug la qabto u ahayn!

Marka raggu u guursan jiray qoys yeelo, ee aysan u guursan jirin qooq goo!

Marka raggu xurmo dumar u dhiman jireen, ee aysan dhuuni ka raadin jirin!

Marka qoysku ahaa; ubax iyo ubad hel, ee aysan adduun raadis ahayn!

Marka darajadu eheed, kasbo, ee aysan kordhiso ahayn!

Marka daacadnimadu eheed, dabci, ee aysan is ka doondoon ahayn!

Marka colku ahaa nacabka, ee aan gacalku ahayn!

Marka shisheeyuhu cadawga ahaa, ee uusan sokeeyuhu ahayn!

Marka haybaddu eheed, hawlkarnimo, ee aysan hayb ahayn! 

Marka awooddu eheed, aqoon, ee aysan abtirsiimo ahayn!

Marka dagaalku ahaa, dirir, ee uusan uur doox ahayn!

Marka magantu eheed, dhawrid, ee aysan dilid ahayn!

Marka martidu eheed, maamuus, ee aysan bahdil ahayn!

Marka darisku ahaa, deyr, ee uusan ahayn daymo kugu maqan ahayn!

Marka dukaanku ahaa, badeeco, ee uusan bushi ahayn!

Markuu raggu ahaa codkar, ee uusan ciyaaye “ciyow” ahayn!

Marka raggu ahaa gabyaa, ee uusan gabbaan ahayn!

Marka raggu dhaqan dhawr ahaa, ee uusan dhaqan dhaan ahayn!

Markuu raggu dheg xumo diid ahaa, ee uusan dabadhilif ahayn!

Markuu raggu is dhegaysan jirey, ee uusan dhoohane ahayn!

Markuu raggu xoogsan jirey, ee uusan xaaraan daaq ahayn!

Markuu raggu cood lahaa, ee uusan cayr suge ahayn!

 

F.G: sawirka hoose, waa Duuliye Soomaaliyeed, oo lagu magacaabo Axmad, kana qaybgalay, dagaalkii 1aad, ee adduunka, isagoo ka garab dagaallanay ciidankii Turkiga.

 

Qofkii caddayn dheeraad ah raba, liilkan hoose ayuu ka helayaa.

 

Mahdin.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s