Gu’ waa gabow iyo geeri!

15820742_10202597140765842_1357006674_o

Gu’ waa gabow iyo geeri!

 

Gacaliye/gacaliso;

 

Waad ii hambalyeynaysaa, anoo kaa mudan iyo adoo ku mahadan, haddana, GUGA aad iigu hambalyeynaysaa, waa gabowgeyga iyo geeridaydee ma ogtahay? Mid waa la gaaraa, (GABOWGA) haddaan gaarid ka hor la go’in, midna waa loo go’aa, (GEERIDA)!

Kaa ma ahan xumayn iyo nac, kaa mana noqon karto lur iyo luggooyo, oo waaba hambalyo, haddana, sanadkan aad iigu hambalyeynayso, waa waayeelnimadayda iyo waayogo’eyga.

Nolosha, ayaa saddax (DH) u dhaxaysa; dhalasho ogaal iyo afti la’aan ku timaad. Dhaqasho dano is diiddan iyo dedaal aan dhammaad lahayn ku dhisan. DAAL! Dhimasho aan lagaa la tashan iyo dhoobo noqosho!

Saddaxduba waxay dhacaan gu’ “xilli go’an”, waxaana keena socodka guga, oo marba qofka heer geeya ama ku sugnaysiiya.

Marka ka warran haddaan is ku laabanno, een heddeenna weydiinno; ma qumman tahay, in aan wixii dhimaal iyo dhantaalka noo horseedaya, aan isugu hambalyeyno?.

Hambalyada ka sokow, horta, waligaa ma aragtay, mar uu gugu kuu roonaaday, oo hoodo iyo ayaan kugu galladay, eed ku nasatay, kana tiri; xaakah?!

Ani ahaan maya, waliba mar walba, oon sii weynaanayo, malaha waa saamaynta gugee, waxaa igu badanaya weydiimaha caynkan ah, ee aanan warcelin is ka daaye malo u warcelineed iyo maaninteed maskaxda ka raadin karin!

Saddaxda (DH) ee dhalasho, dhaqasho iyo dhimasho sidoo kale, saddaxda (G) gu’, gabow iyo geeri, sida ay la ma huraan yihiin abuurka ka dib, maxay dhib iyo yihiin dheelli lagu dhammaaday!

Gunaanadka dhambaalka, isdareensiin ka dib, hadda GU’SAN ma ku dhahaa? Ma ku faraxsan tahay? Iiga warceli ama igu warceli, haddii aad warkeyga u aragtay wareer ama walaac aan meesha ku jirin.

Tixgelin.

Mahdin. 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s