Ma xasuusataa?!

shariif-madoobe
Sh. Shariif & Axmad Madoobe

Ma xasuusataa?!

 

Noole kasta, xasuus ayaan maskaxdiisa ka go’in, oo xiska ka digta, kuna reebta xiiso, xanuun ama xasarad iyo xakaar! Labada mudane, ee sawirka idiin kaga muuqda, oo ka la ah; Shariif Sheekh Axmad iyo Axmad Maxamad “Axmad Madoobe” waxay is la soo mareen, anagana na soo mariyeen, walina na marinayaan, waayo murugo iyo mahadhooyin reebay.

Maanta raggii ay is ku jaalka ahaayeen awoodda maamul waxaa ku haray rag fara ku tiris ah. Marka kulankoodii Kismaayo ka dib, Axmad Madoobe, oo MW ka ah maamulka Jubba iyo Shariif Sheekh Axmad, oo hore Madaxweyne Federaal u soo noqday, haddana, mar kale dib uga mid ah tartamayaasha doorashada dabdan, ayaa sida sawirka ka muuqata, Shariif Sheekh Axmad wuxuu jaalkiisa Axmad Madoobe dhegta ugu sheegayaa xasuus hore, isaga oo leh;

 

Ma xasuusataa, markii aan MACALLIMIINTA ahayn?.

Ma xasuusataa, markii aan WADAADDADA ahayn?.

Ma xasuusataa, markii aan MUJAAHIDIINTA ahayn? (MUJAAJIRIINTA!)

Ma xasuusataa, markii aan MAXAAKIINTA ahayn? (MIXNADIINTA!)

Ma xasuusataa, dagaalkii 9maalmood socday, ee aadka u qaraaraa?.

Ma xasuusataa, markii aan 3maalin dagaalka la galnay Cabdi Qeybdiid, oo ahaa dagaalkii ugu dambeeyey, oo Muqdisho aan QABQABLE            ku la galno?.

Ma xasuusataa, markii aan QABQABLAYAASHA ka cayrsannay Muqdisho?.

Ma xasuusataa, markii la ii doortay Guddoomiyaha guddiga fulinta Midawga Maxkamadaha?.

Ma xasuusataa, sida dadku dhug la’aan noo taageersanaa, walina noo taageersan yahay?.

Ma xasuusataa, markii aan AWOODDA is bidnay?.

Ma xasuusataa, markii aan KOOFURTA badi wada qabsannay?.

Ma xasuusataa, markii aan diidnay, in aan wada hadal dhab ha la galno dawladdii RIDDIDA, ee aan gadaal anagu ka noqonnay?.

Ma xasuusataa, markii aan xasillooni cabburin ku timid, balse, rabid bulsho wehlisay, aan ka curinnay Muqdisho?.

Ma xasuusataa, markii aan garoonka iyo dekadda furnay?.

Ma xasuusataa, markii MUHAAJIRIIN badan na soo magangaleen?.

Ma xasuusataa, markii reer galbeedka aan ka diiday, inaan dhiibno MUHAAJIRIINTAA, oo liiska ARGAGIXISADA ugu mid ahaa?

Ma xasuusataa, markii aan cimaamadda, qoriga aakaha iyo tuutaha aan wadan jiray, anoo Usaama Bin Ladin isu ekaysiinaya, adna aad qamiiska iyo cimaamadda wadan jirtay?.

Ma xasuusataa, markii aan gar, garasho iyo guddoon diid noqonnay?.

Ma xasuusataa, markii aan shirkii Khartuum, aan ka la lahayn 300 oo XABASHI ah dalka ha laga saaro, ee maalmo ka dib, kumannaan Xabshi dalkii qabsadeen? (saddax boqol diid, ee soddon ha u babacdhigin, ee ka carar!).

Ma xasuusataa, xasuuqii Daynuunnaay iyo dhallinyaradii ku go’ay? (Xaax! Alla xanuun badanaa!).

Ma xasuusataa, markii aan dhahnay, iidda waxaan ku dukanaynaa Addis Ababa, ee XABASHIdu iiddaa Xamar xeebteeda ku xarafsanayeen? (Xurmo beelid!).

Ma xasuusataa, markii kedisadu na gashay, ee aan kadeedka horseednay?.

Ma xasuusataa, markii aan baqa cararka uga baxnay Muqdisho, oo ay XABASHI qabsatay? (Bootin libaaxle , kuftun dawacaale).

Ma xasuusataa, markii aan firxadka iyo habqanka aan ku galnay kaynta Kismaayo?.

Ma xasuusataa, markii adoo dhaawac ah lagugu soo dhayey, oo lagugu soo baxnaanshay Godey, ka dibna aad ku soo laabatay dhulka?.

Ma xasuusataa, markii aan isu dhiibay safaaradda Maraykanka ee Nayroobi?.

Ma xasuusataa, markii aan Gendaay Fereesay aan la kulmay?.

Ma xasuusataa, markii aan Yemen tagay, ee aan xarun ka dhigtay?.

Ma xasuustaa, markii aan qorigii aakaha iyo tuutihii aan is ka dhigay, ee aan qamiiskii iyo cimaaddii kaliya reebtay?.

Ma xasuusataa, markii aan shirka ku qabannay Asmara, ee aan baaqa JIHAADKA ah ka soo saarnay?.

Ma xasuustaa, inaan waxba ka maqli weynnay mar kale, aana is ka dhegatirnay baaqyadii iyo talooyinkii aqoonyahannadii bulshada?.

Ma xasuusataa, markii mar kale la ii doortay Guddoomiyaha Ururka dib u Xoreynta Soomaaliyeed?.

Ma xasuusataa, markii aan labo gu’ ka dib, oo dhimasho, dhaawac, qax, barakac iyo burburin hanti ah eheed, inaan garwaaqsannay, inaan wada hadal la furno dawladdii RIDDADA, ee aan anagu gadaal ka noqonnay?.

Ma xasuusataa, markii aan Jabuuti ku saxiixnay wada hadalka iyo dawlad wadaag maamul?.

Ma xasuusataa, markii aan doorashada MW u tartamay?.

Ma xasuusataa, markii mar saddaxaad aan ku guulaystay doorashadaa, ee aan noqday MW dawladdii RIDDADA?.

Ma xasuusataa, markii GAALNIMADII aan shalay madaxda kale ku lahayn, is la kuwii aan GAALO la dhihi jirnay, ay GAALO nagu dhaheen? (weydin ku macaaneed!).

Ma xasuusataa, markii uu Xasan Daahir Aweys naga dhaga adaygay, ee uu ku adkaystay go’aankiisii hore? (Xasan Daahir; XAGJIR xasuus leh!).

Ma xasuusataa, markii aan yeelannay baarlamaankii ugu tirada badnaa sooyaalka maamulka ee dalka? (550 xildhibaan. Tiro badne tayo yare!)

Ma xasuuataa, markii aan mar kale qaab labbiskeyga badalay, ee aan qorigii aakaha, tuutihii, qamiiskii iyo cimaamaddiiba aan is la tuutay?.

Ma xasuusataa, markii aad xubin ka noqotay ururka Xusbul Islaam, oo ay wax ka aasaaseen Xasan Daahir Aweys iyo Cumar Imaan Abuubakar?.

Ma xasuusataa, markii Xasan Daahir uu ku soo laabtay dalka sida loogu soo dhaweeyey?.

Ma xasuusataa, markii uu ka dhaga furaystay, sidii aan hore uga dhagafuraysannay anaguba baaqyada ka imaanayey beeshiisa, dunida iyo dalalka daneeya xaaladda dalkeenna? (Fursad kale oo luntay!).

Ma xasuusataa, markii aan galnay dagaal labo geesood ah: Shabaab iyo Xisbul Islaam?.

Ma xasuusataa, markii ay is ku darsoomeen Shabaab iyo Xisbul Islaam?.

Ma xasuusataa, markii aan heshiis is af garad, ee BADDA ku saabsanaa aan la saxiixannay Kenaya, anaga oon cidna na dooran, cidna metelin, xitaa Muqdisho aannaan ka telin?.

Ma xasuusataa, markii amminkii madaxtinnimadu iga dhammaatay, ee aan Uganda ku soo xilkordhistay?.

Ma xasuusataa, markii aan Formaajo cirka dirnay aniga iyo Shariifka kale? (Ilaa iyo hadda cirka ayuu sidii ugu maqan yahay! Alla kursigu macaanaa!).

Ma xasuusataa, markii aan Garoowe1 iyo Garoowe2 is ka dabasaxiixay? (Illaa iyo hadda saamayntiisa ayaa sabada siyaasadda laga saari la’yahay!).

Ma xasuusataa, markii xooggii Xabashidu dalka ka bexeen, in kasta oo ay ka dib magaca AMISOM, oo aysan ka amarqaadan ku soo dhuunteen?.

Ma xasuusataa, markii ay dhallinyaro badan, oo ay daacad ka eheed la dagaallanka XABASHIda, ay dawladda ku soo biireen?.

Ma xasuusataa, markii aan lahaa walaaleheen Itoobiya way soo geli karaan dalka, si ay gacan nooga siiyaan la dagaallanka ARGAGIXISADII, aan shalay ahayn, walina ay yihiin jaalkeennii, aan aragtidooda badalin? “QOFKAAN FEKERKIISA BADALIN UGU YARAAN HAL MAR NOLOSHIISA, WAA DOQON!”.

Ma xasuusataa, markii aan taageerada saanad iyo sahay ciidan ku la garab is taagay, si aad Kismaayo u qabato? (u qabsato).

Ma xasuusataa, markii MW ku meel gaar ah lix bil ka noqotay Jubbaland? (Wali sidii ayuu uga yahay xisaab la’aan!).

Ma xasuusataa, markii aan mar afraad xil rabooday, een haddana u tartamay MW? (dhadhanshaa ma daayee, maxaa loogu dawgalay?).

Ma xasuusataa, markii aan ku guuldarraystay, ee uu naga soo wada hoosbaxay Xasan Sheekh, oo aan qofna aqoon?.

Ma xasuusataa, markii aan isaga baxay dalka, ka dib markii aan xilka wareejiyey, anoon is ku dhejin?.

Ma xasuusataa, markii aan ardaynimo, qalin, buug iyo jaamacad u laabtay? (Saw markii hore u ma ekeyn, inta uusan na aayo iyo ubadtirin, waliba asaay iyo gablan nagu badin?).

Ma xasuusataa, sida afartii gu’ ee la soo dhaafay aanan u dhexgelin loollanka siyaasadeed ee dalka ka jiray iyo is diidka aragtiyada maamul ee yaallay?.

Ma xasuusataa, ma xasuustee, wixii aan xumaan falnay, xanuun iyo xaraarugna aan horseednay?!

 

Waayo tagay, wareer hore iyo walaac la soo maray, waagana waran, warin iyo weelaynna u baahan! Waayo waayo la MURRUGAY!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s