KUFSI!

16002815_1311336888909511_1691566290244589895_n

KUFSI!

KUFSI! Bal dhadhanso macano ahaan eraga? Saw ku la ma qaraara dhawaq ahaan? Ka warran erayga kuu dhadhami waayey, NINKA “NACASKA” u sameeyey FAL ahaan?

Sidee kuugu soo dhici kartaa gabar KUFSO? KACSI bay dad badan dhahaan, oo gabdhuhu ma KACSADAAN miyaa? Miyeysan dareemo lahayn? Iyaga KACSIGOODU maa u gudbiyo, in ay ragga kufsadaan? Aqoonbaarisyo badan waxay caddeeyeen, in ay naga dareen badan yihiin!

Si kale, waxay dhahaan, dumarku iyaga ayaa u sabab ah, in la KUFSADO! Ogoobe, aragtidan dhaqan, deegaan iyo diin gaar la ah ma lahan, oo waxaa ka midaysan INA RAG oo dhan, waxa uu rabo ha haysto ama ha hirtee.

Horta sababta ka sokow, adiga NINKA sheeganaya, maxaad u hoowaataa, gabar aan ku hayb aqoon, adna aadan hab aqoon? NINOOW, adiga maxaa kaa galay habka gabadhu u xiran tahay huggeeda?.

Yeynaan been isu sheegin iyo rabitaankeennee, horta ina ragoow aan runta abbaarnee, ma waxaan kufsannaa gabdhaha sababta u ah sida ay na la tahay, mise, gabar walba?.

Ani ahaan waxaa badan, inta gabar la kufsaday, een sabab iyo sabo u ahayn hab labbiskeedu, haddana aan CAMBARKEEEDU naga nabadgelin! Alla maxaan gabar aayo iyo ayaan la’aan dhignay, haddana, aan la taagannahay sarriig la’aan, iyadaa sabab u eheed! AQASH!

Waxba yaannaan gabdhaha eed aysan lahayn saarine, ragoow GUSKAN aan gacanta ku sidno, aan is garansiinno, in aannaan gabdhaha lahayn, gabar walbana ka dhignayn, in ay danaynayso cadka balaqa ah, ee naga laalaada! “LABKU inta uu DHEDDIGGA u arko xubno TARAN (GALMO) kaliya, wali ILBAXNIMADU waa qabyo!”

Mar kale waxay dhahaan, kufsiga waxaa keena kalsoonidarro haysata kufsadaha, haddana, anigu araagtidaa u ma guuxo, maxaa yeelay, kalsoonidarro ma keento, in aad qof kale ku xadgudubto! Waxaana la dhihi karaa, marka uu kifsanayo, waa mar uu kalsooni badan haysto, hadday rabto ha ahaato mid uu is ka dhaadhiciyaye.

KUSFI, wuu dhicijiray, haddana dhacaa, inuu dhicidoonana u badi, balse, MURUGADA dhacdadan waxaa sii xanuujinaya, waa duubista muuqeeda, ee la tusay in badan oo aan dadnimo lahayn, ee xumaan faafin iyo u nool falfalxumo!

Dhaqanxumo dhallinyaro, oo la falgashay adeegsi agab qatartiisa leh, oo wax badan oo ciyaar loo falay ay dib ka noqdaan FONGOR! FAJAC!

SARRIIG, waa si kuu bannaan, aad uga sikato, in aysan kuu mudnayn. Wixii laga sarriin jiray oo dhan, ayaa maanta summad ah.

Inta sawirka faafisay, inta muuqa baahisay, inta beel ku baabtay, inta berrin ku baaqday, intaa iyo in ka sii badan oo bandhigtay boogta gabadhaa balbalaysa, haddana, basbaas iyo balaayo ku sii shibtay, ayaan ka xumaan yarayn inta falka gaystay, haddii aysan la sinneyn! Fale iyo faafiye! Labo falfallow!

Murugadu intaa ma ahan kaliya, ee bal malee, inta gabar, gocosho iyo gashay xasuus xun oo xanuun badan, ee ay soo martay!

Hal gabar kufsigeed, waa kufsiyaalo! Gabadha la kufsaday! Gabdhaha hore loo kufsaday! Gabdhaha oo dhan! Rag intii dadnimo iyo sarriig leh! Bulshada oo dhan! Aadanaha oo dhan!

Dadnimo la’aanta raggu lahaa, walina leeyahay, waxaa ku darsoomay, mid dumar, oo sidii qoondada siyaasadeed iyo awood qaybsiga kuraas ay ugu doodeen, uga ma doodaan falalka gurracan, ee dumarku ka la kulmaan ragga!

“Falfalxumo waxay tahay
Inaad gabar faduuliso
Haddaad faraxumaysoo
Xoog aad ku fuushana
FONGOR iyo waxaad tahay
Mid garaadku fooraro
Faxalnimo ka dheer tahay!
Midka falay xumaantaa
Is ka duubay filimkee
Gurracnimo ku faanaya
Faasiqnimo waxaa dheer
Midka faafshey ee diray
Fagaaraha ku baahshee
Fahmi waayey, hoogoow;
Bal ka fiirso xaajadan
Ku ma fiicna muuqsiye!”

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s