Abaaraha dadka iyo ololaha doorashada!

img_0327

Abaaraha dadka iyo ololaha doorashada!

 

Abaar! Olole! Is ma qabtaan. Sax? Sidaa ayaan bilo dhawr ah uga maagayey inaan wax ka qoro, iyadoo tan hore i caloolxumanayso, tan dambana iga caraysiinayo, haddana, tartanka loogu jiro fataalnimada, faataadhugleynta iyo fuluus isugu faanku ka aamus ma lahan, in dhawr sadar iyo erayo laga yiraa ma ahane.

Bulshada iyo gayiga waxaa ka jira abaaro saameeyey dad iyo duunyo. Dhul markii horaba aan biyo badnayn, ee ay isugu xigsatay labo xilli roobaad, oon cirku hoorin iyo dad aan bakaar, baraago iyo ceelal biyood haysan waa dabargo’ dad iyo deegaan qalax noqday.

Dabeecaddu marar badan way noo roonaataa, waxayna nagu deddaa deeqdeeda, sida marar kale ay noogu darraato, dacarna noogu dararto. Marka hore, waa raynrayn, rays wacan iyo roob lagu wada raaxaysto, halka marka dambe ay tahay harraad, hanfi, hungo, hoog iyo halaag lagu ka la haado. Heehaab! Hiraal iyo hilaadin la’aan.

Dadkii gaajada iyo dalkii abaaraha in ay summad noo ahaayeen teer iyo xornimadii waa marag ma doonto, haddana, gu’yaal badan, oo TIIH iyo is ka daba wareeg –MURRUGMAARRUG!- lagu jirayna way ka sii dareen, oo waxaaba maqan hannaankii iyo habkii aqooleed, marka laga reebo maamullada aan taagta lahayn, ee magac ahaanta u jira, saa beel ma baahitiri karto maarayn bulshee, haddaan la baalmarayn jiritaanka iyo soo jireenka nololeed. AQOOLXUMO ABAAR KA DARAN!

Waxaan filaa, in aad badi wada ogtihiin heerka abaaruhu marayaan, sida dadka iyo duunyada ay haleeshay ay u dubatay, diirkana uga diiratay. U dishay! U daldashay! DAREEN MURUGO! Qoys, berrin, tuulo iyo deegaan biyo ay cabaan iyo cunto ay calalshaan ayey waysan yihiin, dhawr qof, oo dhuuniyaal ahna waxay kaga dhaggan tahay, in ay is ku diiwaangalshaan lacag haddii la isu geeyo dadkaa baahidooda wax weyn ka qaban karta, haddii aysan wada dabooli karin.

Dhawrka qof, ee iimaan la’aanta, aragtida dilan iyo ammaano xumada ku astoobay, waxay u olole aan abbaar lahayn ku bixinayaan dhaqaale badan, halka uu dadkii ay madax u noqon lahaayeen ay yihiin mid qarax ku dhimanaya, mid oon u tawafaya iyo mid gaajo u go’ya, aniga oon halmaamsanayn inta dibadaha loogu dilo siyaabo ka la duwan.

Maahmaah Soomaaliyeed oo ay ku xifaaleeyaan shimbirta xuunshada ayaa lagu yiri: “Xuunshoow Nebigii dhimey!” Markaasay ugu warcelisay: “kolkuu noolaaba xaarkaan cunayey!” Dhacdadu ma dhicin, waxaase shimbirta looga hadalsiiyey, oo lagu xifaaleynayaa, inaysan dhugmo badan lahayn, dhaadinna wax badan. Waa halka laga yiraahdo, is la xuunshada iyo dareen xumadeeda “Xuunshoow goormaad danqataa?” Markaasay ku jawaabtay: “Kolka laba dhagax igu dhacdo, midna igu soo maqanyahay!” Hadde markaas dhimatey, oo nololi u ma harin. Ma is leedahay kuwaan soo sheegay xuunshada ayaaba dhaanta, oo mar saddexaadna wax dareemaysa? Amakaag!

Dareen, damiir, damqasho, diirnax, daryeel, dadnimo. Eraydan iyo kuwa la jaadka ah, qof ay astaan, halbeeg iyo summad u tahay, waxaan hubaal ah, in uusan maanta isu taagayn, in uu tartamo murashaxnimo iyo olole doorasho galo, beeso badanna ku baxsho, maxaa yeelay? Qarashka ka baxaya iyo qoysaska baahan is ma qabtaan. Hubaal, in anigaba qarashka iga baxa iyo qoysaska baahan, aysan is qaban, haddana, anigu inta soo hor istaago ma dhihin waan idin hoggaaminayaa, anoonba qarashkaa badan haysan.

Way jiraan murashaxiin sunuudyar iyo shilimaad magac u yaal ah baxshay, haddii aysan ha lagaa sheego ahayn, balse, is weydii; 10 qado ama casho sharaf -(SHAXAAD) midna cunto iyo caddad lacag ah uu shaxaadayo, kan kalana cod iyo cid uu shaxaadayo- ayaa waxaa ku baxa lacag ka badan, lacagta ay bixiyeene, bulsho, ma looga maqsuudi karaa?.

Waxaan la yaabbanahay, qof garaad iyo garasho leh, aqoon iyo ogaal leh, aragti iyo aqool leh, dareen iyo dadnimo leh, sida uu xaashi A4 ah, ugu gadan karo soddon kun oo dollar! Ma doqommaa, mise, waa dabbaalnimo? Ma dhug la’aan iyo dhoohanaan baa? Midbee, waxaa hubbanti ah, in intan wada madaxa madaw, ee maanka maran, oo wada miiqan, in uu hal qof kaliya ka soo muuqan doono, haddana, waa kuwaa soddon kun ku bixinaya wax ay hubaan, in aysan helayn! Waa la MURRUGAY!

Ha moodin, in aan kaliya ka hadlayo murashaxiinta MADAXWEYNE, ee waxaan ka hadlayaa murashaxoo dhan, oo ay ku jiraan kuwa aqalka sare galay, kuwa golaha shacabka lagu daray, kuwa aan la dooran iyo kuwa tanaasulayba, oo dhammaan uusan ku jirin qof aan lacag bixin ama aysan ka bixin, haddana, tiree, meeqo ayey la ekaan kartaa lacagaha ku baxay doorasho ku sheegtan? Hubaal, in nus BILYAN ku dhawdahay, haddii aysan ka badnayn. Ma ka badbadiyey tirada? Bal ha la tireeyo, si tuhunku nooga baxo.

Hubaal, in loo baahan yahay hoggaan maamul iyo hagid maarayn, haddana, marka dhawr qof oo hugri qaaday ay xilal aan la wada helayn ku baxshaan MALAAYIIN DOLLAR, dadka abaartu haysana ay u baahan yihiin kaliya lacagtaa barkeed, mayee dhawr qayb daloolkeed, waxay ku tusinaysaa, sida aan uga arradan nahay INAANIYAD iyo AADANENNIMO, jiritaan la’aantoodna ay la baxayaan wax walba, oo Aadane rumayn karo sida diin, dhaqan, dadnimo ama xeer IWM.

Sidoo kale, ha moodin, in eeddu qabanayso kaliya murashaxiintaa, ee waxaan ka eed yarayn, WADAADDADA rubuc qarni deeq iyo dollar ku soo qaadayey magaceenna, haddana, aan marna ka fekerin sidii dadka loogu samatabixin lahaa, ee kaliya ka fiirshay, sidee MASAAJID loo dhisaa!

Qof sabool ah, omos ku nool, oonna hayo, oomatana haysan sujuuddiisu maxay tahay? Saw ka ma habboonayn, halka ay luuq, laami iyo tuulo walba MASAAJIDDO ka dhiseen, in ay ceelal iyo baraago ka qodaan? Saw maanta ma badbaadi lahayn hedo badan, oo si fiican u sujuudda? Ku darsoo, MASAAJIDDU waxay qayb weyn ka noqdeen meelaha ay ka soo aflexeen kuwa bulshada qalqalka, qalalaasaha, qaxa, qaxarka, qaraxa iyo qaraarijinta ku wada!

Dunida ayaa u dhaxaysa eber iyo aguug. Qof wax haysta, waliba meel uu ka la geeya waayey, oo dhereg iyo dibbiro la daacaya, heer dacwoshiir ku dhacay iyo qof aan halna haysan, oo bogga iyo beerku is ku dheggan yihiin. Faramaran. Baahan! ADDUUNYO, DUF KU BAXE; Aadane ka la ayaamo wacan, dabcan ka la aragtisan, haa ka la ogaal badan, hubaal ka la aqoon roon, haddana, ka la aqoon wanaagsan, ma eexbaa? Ma ayaanbaa? Ma aayobaa? Hah!

 

“Isjir dadweyne

Bulshoy is eego

Ilduufka dhaafa

Alalaaska daaya

Agtiinna fiirsha

Abraarta joogta

Abbaarna diiddan

Ummuurta foolxun

Ku andacooda

Is ka ilaalsha

Sidii ayaantii

Ammin horeeto

War yaan agnaan

Aqligu liito

Ogaal garaynin

Aqool kasaynin

Aqoon lahaynnin

Aragti haynnin

Arxan falaynin

Dib loo asteynoo

Abees la dooran!”

 

Heestii: OLOLE!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s