CIRROOLOW ku ma CAFIN!

16559303_1336800859696447_965273803_n

CIRROOLOW ku ma CAFIN!

Noloshu waa meerto maalmeed iyo milayo is ku milan, haddana, ka lana miiran. Waa facyaalo iyo fir ka la falliirma, isuna fool iyo farsamo eg. Waa waayo waayeel u soo joogay dhallaanna u sii jeedo. Waa ayaamo ubadku aayeysanayo, tawlkuna hore u soo arkay aynigooda.

Is dhaaf is ku dhafan, haddana, ka la dhilan, dhaqan, dhur, dhaqaale, dhuuni, dhisme iyo dhigaal. Waa is jiir ka la jaran iyo jiiro is ku jiqan. Waa magac, muunad, maamuus, mudnaan iyo la’aan hadba sidaad u maarayso ama ay kuu soo marto.

Qormadu ma ahan calaalcal iyo cabaad, ee waa codkornimo, curincuradnimo, caqlitebin iyo codgoosasho gareed, haddii garaad jiro. Gef waa dhacaa, waase la garwaaqsadaa lagana garaabaa. Intii ka soo harta, waa gabow aan garasho lahayn, waxaana waxa gu’yaal badan na gaasiray, walina lagu sii guurinayo gawaan iyo gabiib maran!

Anigu da’ soddonaad ayaan ku jiraa. Saddax tobnaad gu’yaal ayaan u soo joogay, may ku soo jabay, kuna soo jilbamurxay. Dawlad, xukuumad, maamul iyo maarayn ma soo arag, aanba ku dhexdhashee. Ma arag wax badan, oo afka laga sheego, suugaan lagu tebiyo ama muuqaallo aan ku daawado ama ku arko. Berisamaad! Adow kuu yahay! Anigu ma arag samobergaa, walina waan sugayaa berrisamaada.

Waxaan ahay dhallaan iyo dhallinyaro dhisme iyo dhur ay dhaafiyeen kuwo tawl iyo isugu sheega tol. Waxaan ahay barbaar ku soo koray barbarriiqasho u dhaxaysa bii’em, bam, baroon, baasuke iyo boobe, sida biriqda u hillaacaya, mootar, madfac, hoobiye iyo hawsar, inta bir dabaysan dhacda, ee dad iyo duunyana xaaqda, dushayda ayey waagii barya iyo gabbalkii guduutaba ka hugmi jireen, go’doonna geliyeen naftayda, gacal iyo xigaalna gam ka siisay, iyagoon aqoon waxa loo dilay ee ay galabsadeen! “dulmi cirro galay iyo cadho dabo gashay, sahal ku ma baxaan!”.

Faca aniga igu filkaa iyo kuwa iga sii yar waxaan nahay dulmanayaal la dudsiiyey xaqooda jiritaan iyo nolol. Waa nimid negaan iyo nabad la’aan, haddana, intaa na loogu ma simee eed iyo eel oo dhan anaga ayaa dusha na la ka saaray, waa halkii maahmaahdu ka lahayd “Carabi inta ku nabtey Nebiga kaaga hormartaa!”.

Waxaan isha la raacay sooyaalka ay dhasheen madaxda sharraxan, ee tartanka ugu jira madaxtooyadeenna, mise, badankood lixdameyadii ayey dhasheen. Qofkii lixdankii dhashay, wuxuu maanta jiraa kontan yo hodhodho’. Qaar badan oo ka mid ahi waxay kansho u heleen inay dalka gudihiisa wax ku bartaan, iyagoo xigto iyo gacalba hareera joogaan, ayna wax ku bartaan lacag la’aan, iyadoo weliba lagu dhiirrigelinayo, ka dibna waxay heleen deeq waxbarasho, oo dowlad Soomaaliyeed siisay, waxay helayeen caafimaad iyo daryeel la la dabajoogo, markey dhammeysteenna waxaa loogu abaal guday shaqo joogta ah.

Anagu intaa iyo in dhaw midna ma annaan helin. Qiiqa raraasta, sunta barriga iyo badda lagu shubay ka sokow, waxaa noo dheereed, in na lagu daweeyo dawo dhacday, iyadoo waliba nafaqaxumo na hayso, waxbarasho iyo aqoonina noqotay lacag iyo yaa beeso haysta! Waligaa adoo imtixaan u fadhiya, xabbad ma kaa duldhacday? Ardaygaa maskaxdeedu sidee noqon kartaa?.

Af la furo, faruuryo la ka la qaado, hadal la sheego, hawraar la jeediyo waxaa lagu jaa’ifeeyaa aniga iyo inta ku da’da ah ama ka yar. Anaga ayaa eedda inta qabatinnay, maadaama na loo laqimay, een is ka qaadannay is ka dhahna, isuna adeegsanno. Yaa na eedaya? Odoyaal, waayeel, garcaddaa iyo cirroole.

Waa biya ka ma dhibcaan, in wiil labaatan jir ah, oo aan waligiis maamul, maarayn iyo ka la dambayn midna arag, inaan sidaa loogu baxsan, loogu baacsan looguna xagxagan wax uusan aqoon, arag, aanna la barin iyo eel uusan dhigin! Sababtu waa sahlan tahay, waa inaan waligiis ishuusu qaban wax qaloocan ma ahane wax qumman, haddaa, ma waxaad leedihin adna wax ha qalloocin, oo ha qardoofin? Mise isaga ayaa dhaliishu qabataa? Malaha waa meeshii laga yiri: “Ilko meeshii u jilicsan ayey goostaan”.

Odayaashu eray walba waxay ku dhaliilaan dhallinyarada, iyaga oo dhaha dalka xooggooda ayaa lagu burbruriyey, dadkana xabbadii ay rideen ayaa xaaqday xinjirrana daadisay. Maalin is ma eedaan. Gellin is ma dhahaan gef baa galnay. Is weydii; ma dhallinyaro ayaa dawladda maamulkeeda marooqsatay dadkana afduubatay? Ma dhallinyaro ayaa ku soo jabhadaysa dawladdii, kagana soo duuashay dhul Xabashi? Ma dhallinyaro ayaa qabqablayaal iyo noqday hoggaamiye kooxeedyo, dalkii ka la qoqobay? Ma dhallinyaro ayaa noqotay wadaaddadii waallida waday, oo dadkii gaalaysiiyey, qarax iyo qaarijinna ku qaabilay? Ma dhallinyaro ayaa aqoon iyo sheegatay ogaal aan lagu raynin? Intaba maya, marka dhallinyaradu waa dhibbanayaashaa dhibban, haddana wax dhiba, isna dhiba dabcan.

Marka ay is ka sii jeedinayaan ayey dhahaan dhallinyaro waxaad tihiin cududdii dalka iyo madaxdii berrito. Berri aa! Oo goormaad bannaynaysaa, illeyn teer iyo lixdankii booska cid kale u ma oggolide! “Berri waa maalin sugasho, ee ma ahan maalin sugan.” Balse, markii dhallintii arkeen, in aysan aayo iyo ayaan ku haysan dalka, ee ay dibadaha u raadsadeen nolol kale ayey mar kale u la fariisteen dacaayad ah; dhallintii dalkii way faarujiyeen oo isaga TAHRIIBEEN! Saw idinku u ma sababin, in ay dalka isaga hayaamaan, maadaama aad aayatiin la’aan dhigteen.

Intaa ku ma simaane, odoyaashu waxay ku dhiirradaan marar badan, in ay beerlaxawsi u dhahaan, iyagoo dhallinyarada sasabanaya; NA CAFIYA QALAD AYAAN IDIN KA GALNAY! Waa goorma? Waa marka ay rabaan, in ay riwaayad beenaad u dhigaan dhallinyarada, oo ay dhugta ka xiraan. Mar ay dan iyo ujeed kale ka leeyihiin, si ay isugu qariyaan af macaan iyo erayo malabeysan.

Maahmaah ayaa dhahaysa “Mayd waxaa ugu dambeeyey? Kii la sii sidaye” Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamad Cismaan Jawaari, ayaa isaga oo dhallinyaro la hadlayey, wuxuu ku yiri: “DHALLINYARADA SOOMAALIYEEDEEY NAGA RAALLI AHAADA!” isagoo raaciyey “FACII NAGA HORREYEY, WIXII AY NAGU BARBAARSHEEN, IDIN KU MA BARBAARIN KARNO!” hadalkan wuxuu ka hormarshay, in uu fariistay, ee uu ka fekeray! Haddii uuusan ka fiirsan, kana fekerin, muxuu dhihi lahaa dhallinyaro? I cafi, ma feker iyo ka fiirsasho ayey u baahan tahay, adoo og, in aad gef gashay?.

Hadalkii uu Jawaari ka dib, ayaa waxaan arkay dhallinyaro badan, oo u riyaaqsan warkiisa. Maalmaha uu hadalkaa lahaa, waxay eheed, inta aan loo dooran mar labaad guddoomiyaha baarlamaanka, xitaa uusan wali isu sharxin. Dhallinyaradaa qaar ka mid ah, ayaa waxaan weydiiyey hal arrin, oo ah; haddii uu mar kale isu taago guddoomiyaha baarlamaanka maxaad ka aamnaysaan? Warcelintii waxay noqotay ha la gaaro! La gaaryaye, dhallinyaro, maxaa talo ah? Waxaan is leeyahay, wuxuu ugu fiirsanayey hadalka, in uu ogaa, in aysan jirin qof ku la xisaabtanta, waana u martay, sida ay marar badan ugu soo martay. Waa la MURRUGAY!

Huuhaadii Jawaari waxay i soo xasuusiday hadal la jaad ah, oo uu Cabdulaahi Yuusuf bulshada Sooyaaliyeed uga dalbaday, in la cafiyo, maadaama wax laga tabanayo. Waa mar uu wuxuu hallayn karo, halaagi karo, hoojin karo ka la haadiyey, haddana, ugu yaraan Cabdullaahi ayaa ka fiican Jawaari, saa marka uu saas yiri ka dib siyaasad lagu ma dhex arage, halka jawaari uu maalmo ka dib is sharxay, haddana uu hayo xilkii uu bulshada Soomaaliyeed afar gu’ ku luggeeyey sida uu hadalka u dhigay!

Dukaammada Soomaaliya ayaa waxaan ku arki jiray, halku dheg ah “dayn maanta maya, berri haa!” Haddaba xilalka Soomaaliya, miyeysan u ekayn sidaa oo kale, oo uusan arrinku ahayn “xil maanta maya, berri haa” illeyn waxaa weli jooga intii lixdankii xalalka hayeye. Waxaa soo taagan raggii ku garaadsaday kuna gawso dhacsaday. Tiro dhallinyaro ah xilal qabte, balse, waxa iiga xanuun badan erayada beenta ah, ee dhagaha dhallinyarada lagu shubo.

Bal dhanka kale i la fiiri. Guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi wuxuu yiri “1974 ayaan ahaa xubin baarlamaan!”  Afartan gu’ ka badan ayuu xil hayey, marna goobayey. Waa yahaye, goorma ayuu la taliye wanaagsan oo hawlgaba noqonayaa, si waayoaragnimadiisa wax laga kororsado? Maya, Soomaalidu malaha ammin iyo miley la yaqaan oo looga fadhiisto shaqada ma lahan ama ma yaqaanniin, DHIMO ma ahane!

Haddaba ilmaha dhashay1974 wuxuu galay gu’ afartanaad, kursigiisiina waxaa fadhiya wali odaygii shalay afartan jir ku fariistay, isagoon dhalan, dalka intii xukuumad soo marteyna wuu la shaqeeyey, mindhaa marka laga reebo tii lixdankii. Odaygaasi hadduu igu yiraahdo dalka ayaad laf dhabar u tahay, saw maaha maaweello iyo madadaalo? Adeer kaa diiday, kaa mana yeelo! La noqo riwaaayaddaada, ee iga dhammaaw!

 

  • Hadal sii dheh baa dilay
  • Hambona nabar danbaa diley
  • Hawlna caajiskaa dilay
  • Hormar dib dhig baa dilay!

 

Waxaa loogu jeedaa, dadka labada arrin aan ka qaraarin, nin aan raashinka hambaynin iyo mid aan hadalka hambaynin, haddaba ninka aan faca iyo firka koraya u hambayn una diyaarin siday dalkooda waxu tari lahaayeen, saw xaalkiisu maaha “Keligaa cunoo, keligaa celceli”. Ka sokow, hawl uu isagu la haray, ayuu hormar la’aanteeda aniga igu eedaa! Magag!

Imisaa dhallinyaro aan weligood shaqaynin dalkoodana ka helin, xoogsi raadis cidla ugu go’ay? Imisaa wiil intuu gayaankiisii la heshiiyey, odaygii shaqadiisa ka qaaday, marwadiisiina ku darsaday? Imisaa ilaa maanta u xayiran, oo u xanbiban odaygaas dartiis? Imisaa xabbad uu oday u dhiibay ku cuuryaanoobay ama ciidda uga hoosmaray? Aniga waxay iga taagan tahay hallkii ninku ka yiri:

 

“Godkii aabbahay galay, galyoow, guudcaddeey helaye!”

 

Wuxuu yiri; HA LAY CAFIYO! Hawraarsan, ee haddi aan ku cafinnee, la kaalay sidaan kuu cafin lahayn, cafiskuna ku dhaboobi lahaa. Qofku markuu gef galo ee ka cudurdaaranayo waxaa laga rabaa sidan: (1) Raalligelin (2) Ka qoomamayn (3) U noqosho la’aan! Balse, qofka hawshiisii sii wata, i cafiidiisu waxay ka dhigan tahay, indhaha is ka rid, dhegaha is ka jufee iyo aan ku dhagree hay dhaadin. Fadlan iga daa boojada, boobsiiska iyo baajinta. La ye; “bawdo rag maalinba mid baa faydan” ee tan aad faydday, midda waayuhu faydeen, ha iigu sii darin, in aad ku sii faanayso, in aad bawdadayda faydday! Hah!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s