maansada-qiiro

Maansada; QIIRO!

Waxa xigaya qiirada 

Qalbigii ogaan kara

Sii qiyaasi jiray baan

Qowmkeey ka waayee

Iga daaya qaylada.

 

Gu’yaalaha qulqulayee

Qayr iyo xumaanba leh

Bulsho maan qallalano

Waxaan nahay qafiiftoo

Hadba qiiro beenaad

Qasnadaha ka dhaansada.

 

Wixii qalad la galayee

Qaanuun ku sheegnaa

Sama bixinta qaran iyo

Quraan iyo shareeciyo

Qalinlaha ku daabnaa 

Qawmiyadda Soomaal

Maxay ugu qushuucdoo

Caleemaha qoyaanka leh

U lululeen qorshe la’aan?

Maxay qar is ka tuurtoo 

Bohol hoos u qodan iyo

Haadaan ku qabaxtiri?.

 

Qalalaasihii dhacay 

Qulub wixii la soo maray 

Qabiilladu is dooxeen

Jabhad qayladhaanshiyo

Qabqabluhu adeegsaday

Qaxiyo barakacii dhacay 

Qaxootiga la wada galay

War ma laga qabooboo

Ma boogsootey qoontii

Qabyadii ma laga baxay?

 

Anigoon qilaaf wadin

Qofna aan mucaaradin

Adoon qadaf i gaarsiin

Qarandiidna ii arag

Noo qaabi sheekada 

Qunyar soco walaalow.

 

Qawl aan hubsiimiyo

Qatif laga ilaaleyn

Qormo qalin habawdoo

Qasad iyo lahayn duluc

Maanso qaafka laga dayey

Quraafaadka beentaa

Ninkii qalinka dalabtale

Ku qotomiyey sheekada

Midna qaab ma yeeshe

Iga daaya qiirada

Aan qusayn xaqiiqada.

 

Qarankeennan dhaawacan

Qatadiyo dhimaalka leh

Qabysanaanta taalliyo

Qoqobnaanta baahdee

Qoys qoyska loo degay

Qandhadii dorraatee 

Qamandhacadii geerida

Qalqalkii inagu dhacay

Iyo qaranjabkeennii

Qawadkiyo xumaantii

Qardajeexa loo marey

Qabqab iyo is qaadqaad

Waxaa dhigay qabweynida

Iyo qiiro aan jirin.

 

Quwaddaada oo bira 

Buur qaarar weyn iyo

Waxay qoorta kuu gelin

Mid qabkiisu weynyee 

Ha qarrarin xudduudkee

Qunyar soco walaaloow.

 

Adoo qaybo kala maqan

Qolo qolo u kala go’an

Qabyo tahay midnimadaa

Quwaddaadu weli tahay

Ha qardoofin qarammada

Qibrad badan adeegsoo

Qunyar soco itaalkaa.

 

Qiirada u kaadsee

Adigoon qalaadayn

Is ku qarinnin uuriyo

Ceeryaamo iyo qiic

Qof walbow waxaan iri;

Qasad yeelo weeyaan

Qoondeena hadafkaa

Hadalkaaga noo qeex

Qodobbee ujeeddada

Waayahaaga qaabeey

Xeel qorsheyso waligaa

Saan qasaare kuu gelin!

 

Qoobqaadka qayliyo

Qosolkiyo qableyntiyo

Qiyaaliga ka guduboo

Qaxariyo ha gelin ceeb!

 

Qiso kale waxay tahay

Xaajadaan qallibantaa

Marka qarowga jira iyo

Laga tooso quurada 

Qorraxduna dusheenniyo

Is ku qayddo heegada 

Gefna aan la qarin karin

Qabandhacada ceebeed

Ninkay qabato yeelkii

Qofkii qiil u raadshoow

Qodqodaha difaacana

Qunyar sii socaan iri

Aad aragtid qodaxdee!

 

Qoomamiyo shallaay iyo

Qaddar weeye Eebbahay

Adoon qaaq la dhihinoo

La qalaadi shacab yahow

Qunyar soco haddeertaan.

 

Mahmaah qaaliyaa tiri:

Qofkii tuuray qori geed

Qajaftiisa ka ma naxo.

 

Mahmaah qaaliyaa tiri:

Waxaad maanta qarisaa

Way ku qurunsadaan jeer.

 

Mahmaah qaaliyaa tiri:

Middi laygu qalayana

Qofna ii ma qarin karo.

 

Maahmaahahaa qoran

Qasadkaan ka leeyahay

Qolofta iyo diirkiyo

Qobka aan ka qaadee

Qiyaasteydu waxay tahay

Qaarka sare qurxoonaha

Salka qabada ku la jira

Hadduu adiga qabar li’i!

Qalbigaaga garashada

Qoofal iyo qataar iyo

Qunful bira ku soo xiray

Ani i ma qatali karo!

 

Aqristaha qoraalkoow

Qawlkeyga maansadu

Hadduu qaafil kula yahay

Qaamuuska dib u baar

Aqri buuggi qadafyada

Qodobbada ku daabacan

Qandhadiyo xanuunka leh.

Dhammaad.

09/02/2017

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/