Heesta: WASIIRRADEENNOW

17309358_1385277128182153_7894411770614990097_n
Heesta: WASIIRRADEENNOW

Wasiirradeennow
Waagaan la joogiyo
Shalay wixii dhacay
Waxaan ku nool nahay
War ma u haysaan?.

Wasiirradeennow
Waddanku maanta
Wuxuu maraayaa
Waqti abaar ah
Xoolihii wafaadeen
Dadkii walaacay
Waawdu baxayso
Adinkaa wasiirro
Wakaalad dawlo
Walaayadeeda
Laydiin wakiishee
Wax wax ku ool ah
Ma u waddaanoo
Wadna qaboojin?.

Wasiirradeennow
Wiswiska yaalla
Walaaca taagan
Murugta walwal
War ma u haysaan?.

Wasiirradeennow
Waladya waalid
Walaalya xigto
Waayeelladeenna
Waxay ku noolyihiin
War ma u haysaan?.

Wasiirradeennow
Waxdheef adduunku
War hooy ku deeqay
Laydiin wakiishay
Wir yaadna leexsan!

Wasiirradeennow
Waarabaayasha
Dhiiggeen waraabay
Ka wabxay waayo
War ma u haysaan?.

Wasiirradeennow
Waaxyeynta beesha
Qabiil walwaalka
Waydaar xudduudka
Wax aan ku dhaafno
Waygeed ma haysaan?

Wasiirradeennow
Warya tannaago
Waaseelin sheeko
Warin ku saabsan
Waa ku wareernee
Waxtar ma haysaan?.

Wasiirradeennow
Tiro wasaarad
Ama waaxeedyo
Wax aan tareynin
Waa aan ka daalnee
Qorshe wasaarad
Qodobya waajib
Go’aanno waara
Waxqabad toosan
Waafaqsan xeerka
Wanaag horseeda
Ma noo wadaan hee?.

Wabar Ugaaska
Waxgaradkeenna
Nabadda waaba
Xumaha weecsha
Waanwaan heshiiska
Ka wehsaneynin
Waranka laaya
Askar ka waabsha
Ma noo waddaan hee?

Wasiirradeennow
Arday waxbarta
Waabarya aada
Bare u wehel ah
Waddo hagaagsan
Miyaad u weecin?

Wasiirradeennow
Wacadya dhaartii
Wallaahidiinnii
War ma u haysaan

Wasiirradeennow
Wadajirkeenniyo
Walaalsigeenna
Is weheshigiisa
Wax dhaama waynee
Wareerka daayoo
Waallida dhaafa.

Dhammaad.
22/03/2017

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s