ALSAADICUUN BILXAQI – ALITIXAAD: Col ku dhac oo cadaw kuu ciidami!

17858793_1407396289303570_2045187882_o

ALSAADICUUN BILXAQI – ALITIXAAD: Col ku dhac oo cadaw kuu ciidami!

 

Dhawaan waxaa lagu dhawaaqay soo ifbixidda iyo aashuun ka saaridda urur diimeed la yiraa “ALSAADICUUN BILXAQI”. Wager! Marka siyaabo ka la duwan, ayaa wadaayo urur diimeedyo ku jabay kana jeestay iyo qaar wali ku jira, oo u jadbaysan waxay iiga codsadeen, in aan wax ka qoro; “ALSAADICUUN BILXAQI“. Ma rabin, in aan afaarahooda galo, oo war WADAAD waa hore ayaan is ka waabay, walaahoodkooda iyo waraabennimooda awgeed, balse, markaan arkay, in ay ka hadalkooda soo galeen rag hore, oo aan iyagan cusub wax dhaamin haddii aysan ka wanaagsanayn, maadaama aysan gumaad gaysan ayaan go’aansaday, in aan waxyar ka qoro.

Dadka iyo dalka waxaa dhexdurduraya sidii daad iyo dabaylana ugu soo rogmanaya aragtiyo diimeedyo iyo kuwo kale. Aayamo ka dibba, waxaa la sheegaa, mid cusub, oo curud ku ah bulshada dhexdeeda iyo mid ka falliiranta mid hore u jirtay, ujeed la’aan iyo ajar owgii ama ujuro is ku qabsi, oo ay ugu horreeyaan kuwa tebsha, ee tororgta la taagan. Waa ayaandarro inteeda la eg. Hore ayaan wax badan uga qoray ururro la mid ah, ka daran ama ka liita, marka anoon ku dheeraan raadkooda, aan tixraac yar idin ka siiyo tusmo idiin noqota, anoo filayo, in aad ka wada dheragsan tihiin.

Fasir diimeed ee “ALSAADICUUN BILXAQI” ugub ku ma ahan aragti diimeedayada ka la duwan ee ay muslinku haystaan, oo hore ayey u soo bexeen, si gaarana dalkeenna u soo galeen, xilligii ay dalka u soo gudubtay waxa loo yaqaan “BARAARUGGA ISLAAMKA” ee dhammaadkii toddobaatameeyadii iyo horraantii siddeetameeyadii.

Markaa inta WAHAABIYADDA ku abtirsata oo dhan waxay ku midaysnaayeen dalladdii la dhihi jiray “DHAQDHAQAAQII AL-AHLI ka la jabkii iyo ka la taggoodii ka dib, oo magacyo badan la ka la bexeen ayna yeesheen muuqyo ka la jaad ah, ayaa waxaa jirtay qayb la oran jiray “AL AHLI” oo gaar loogu takooray, in ay huwanyihiin kooxaha TAKFIIRKA, waxaana ku riixaya, is la kuwii ay ka la hareen! Ma aragtaa waxa maanta dad badan ka hadlinaya, in aysan ahayn wax cusub?.

Mar kale, ayaa haddana la sii ka la booday, waxaana markii dambe, saaxada fasir diimeedka WAHAABIYADDA si fiican uga hanoqaadday ururkii ALITIXAAD, oo is la ah kuwan aan sare ku sheegay, ee dhawrka mar ka la leexday aragti iyo ujeed la’aan cad, marka laga reebo is qabad dano, degaan iyo damac! Waa say i la tahay. Kolleey Alle ka cabsi iyo cibaado lagu ma ka la harin!

Murti baa leh: “Gadaal ka gaar waa goob dumis!” kuwan “ALSAADICUUN BILXAQI” murtidu xitaa ku ma dabaqmayso, maxaa yeelay, wax ay dunshaan, oo u harsan aan ka ahayn, in ay naftooda HODAAN u ma harin mana loo reebin! Alsaadicuun bilxaqi; Alakhiir AB ma leh, sida AWALKA oo kale!

Maalmihi Maxkamadaha oo aan qorayey qormooyin digniino iyo dardaaran warin isugu jira, oo ay ka mid yihiin; “QABSATAYE MA QARAMAYN KARTAA?!” ayaa nin aad u taageersanaa ku iri: “Ma la waayey Wadaad Diinta Islaamka Dhaqankeena noogu fasira, maxaa maalin walba Dariiqad Sheekh ama Urur Carbeed naloogu soo dhoofinayaa?” wuxuu igu yiri: “Mar kale igu celi?”. Haddaan ugu celshay, buu igu yiri: “Waligay ma maqal”. Waxaan ku iri: “Haddaba maqale, bal maankaaga gali”. Wali sidii baa aragti, dhaqan iyo hidderaac bulshooyin kale loo soo minguurinayaa garasho iyo garaad la’aan! Goorma ayaa garaadku shaqayndoonaa waa la GO’AYE?!

Sida muuqooda ka muuqatay, waa ku yaraa, nin aan da’diisu ku labolaabmin inta aan jiro, haddana, waa IIMAANKA iyo CAQIIDADA dhibkeedee, hadday ku qanceen sidaa, lana aamusnaayeen nus qarni, aamuskaa ka dib, in ay la soo shirtagaan, ANAGA MA AHANE, INTA KALE WAA WAX KA MA JIRAAN la yaab ma lahan!

La yaab ma lahanoo, horaa na loo yiri, oo ugu yaraan nagu ma cusba, marka laga reebo foolalka aragtida tebiyey, ee badi Dr iyo magacyo aqooneed lahaa, balse, anaga bulsho ahaan xasuusin xanuun noo eheed! Alla waaga ma wadaad WAKIIL Alle isu haysta ayaa nool!

Intaa ka dib, dadka naqdiyey, ka digay waxaa ka mid ah madaxdii ururkii AL ITIXAAD, oo uu ugu horreeyo Bashiir Salaad, dhanka kalana waxaa ka hadlay Umal, oo isaga ma ahane inta kale uusan aqoon iyo oggolayn aragti diimeed!

Ka hadalkoodu wuxuu ahaa amakaag iyo anfariir! In ay ka hadlaan ka ma xirna, ee nimanku ma illoobeen wixii ay shalay fareen ama faleen? Bashiir Salaad ma illoobay dagaalkii Gedo iyo wixii dhallinyaro Soomaaliyeed ku halaagmay? Umal ma illoobay dagaalkii lagu qaaday dawladdii Cabdillaahi Yuusuf iyo galaysiintii uu gaalaysiiyey intii ka shaqaynaysay dawladdaa? Sidoo kale, ma illoobay gaalaysiintii maamulka Soomaali Galbeed, isagoo dabcan Itixaad mufti u ahaa, maantana ALSAADICUUN buu gaalaysiin ku haystaa, ma anagaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa?

Ururkan “ALSAADICUUN BILXAQI” saw lagu ma eedaynayo waa TAKFIIR? Mise, wax kale ayaa jira? Hadday tan hore tahay, kuwo ka TAKFIIRSAN ayaa tolka u tuban tub walbee, maxaa iyaga kaliya loo baacsanayaa? TAKFIIR afka iyo uurka ee aan addin iyo aalad marna adeegsan, waliba afartan gu’ aashuun lagu la addimayey, marka ay ka digaan kuwii bulshadan ku asqeeyey eelka ay ku sugan tahay, saw ma ahan Col ku dhac oo cadaw kuu ciidami!

Xumaan in laga digo qofna ma diiddana, balse, labo qodob ayaa warcelin u baahan; xumaantu waa tee? Yaase xaq u leh, in uu xumaanta ka digo? Ka sokow, mid waan is la qirsannahay, in raggan hadda qalaadaya ay qayb ka yihiin qalaalasaha DIIMEED ee dalka ka jira, marka sidee wali u la soo indhacad yihiin, in ay xaq u leeyihiin, in ay ka digaan dhib urur diimeedyo leeyihiin, inta koodu dhisan yahay walina ay dhuuni ku helaan?

Wali yaa arkay AL ITIXAAD, xertii Bashiir Salaad, Maxamad Idriis, Umal IQKB oo leh, bulshooy waan idin hodnay, ee naga raalli ahaada, waan idiin soo hoyannee? Wali yaa arkay madax ka tirsan wadaaddii FIDNADA FATWADA ee gu’yaashii tagay, oo leh, bulshooy gaasiriddiinna iyo guuldarradiinna qayb ayaan ka noqonnaye, na cafiya? Horta WADAAD ma qaldamaa? Hadduu qaldamase, qaladkiisa ma lagu qaadi karaa? Ar maya, illeyn, xeer adag, oo waxay degsadeen ah; qaladkiisu waa ajar, saxnimaduusu waa ajar! Laydin AJAR saad dadka u AJARTEEN!

Nimanka ka digay “ALSAADICUUN BILXAQI” badi waa ragga bulshada ku dulnool, ee manafaacadka iyo manaasibta ku haysta, marka saw la ma dhihi karo waxay u baqeen jagooyinka ay ku maamuusan yihiin, maadaama ragga ururkan la shaaciyey ay u badan yihiin rag aqoon, ogaal iyo is ku darsaday farsamo hawladeed, ee aan bulshada dulsaar ku ahayn? Dooddu ma ka maran tahay dollar iyo diinaar?.

Ka dige, GAALAYSII saw gunnimo ma ahan? Waxay dhashay in qaar ka mid ah dadkii ka soo muuqday muuqaalladii ururku baahiyey, ee ka shaqaynayey qaar ka mid ah jaamcadaha Muqdisho, in shaqada laga cayrshay! Ardayga ma aqoon baa la barayey mise aragti diimeed? Magag!

Kaliya ma ahan, ee qaar ka mid ah, waxaa lagu xiray degaannada waqooyi, halka waqooyi bari laga mamnuucay! Waa yaabe, waa maxay afduubkan iyo aragti diidnimadan? Maxaa ku jaban, in qof ama qolo aragti soo bandhigto, ka dib laga doodo, haddii loo arko inaysan qaadasho lahayn halkaa looga tago, iyada oo aan lagu colaadin dadkii aragtidaa soo bandhigay? Goorma ayaan gaaridoonnaa, in aan is ku dhawrno ka la duwaanashaha aragtiyo? Ka muhimsane, goorma ayaan is waafajin doonnaa ka la duwanaasha iyo wadanoolaashaha, illeyn waa la is ku qasban yahaye? Horta maxaa naga dhexeeya, oo ay tahay, in aan wada dhawrno, maxaanse naga dhaxayn, oo ay tahay, in qof iyo qolo walba lagu dhawro loona dhawro?.

Intan badan dhacdooyinkan soo laalaabtay, waxay na tusinayaan, sida aan u nahay bulsho ku fashilantay is aqbalka iyo is yeelka, oo ku talaxtagtay is diidka iyo is dabarjarka! Ma haynno aragti aan ka ahayn; wayga duwan yahay, ee ha la dilo! Wayga diiday, ee ha la duugo! Ragga nimankan hadda gaalaysiinaya, saw ma oga, in ay yihiin WADDAADADII DAMBE, oo ay da’dooda diimeed dalka dhexdiisa ku siman tahay afartan gu’ iyo wax la eg? Haddii wax cusub ayaa la la yimid la is ku gaalaysinayo, gaalada koowaad saw iyaga ma ahan, maadaama ay dhawaangal yihiin?.

Ka la duwanaashaha dhalyo (BEELEED) iyo SIYAASADEED ee aan tixgelinta la siin, ee hore bulshada uga dhexjiray, waxaa ku soo darsoomay ka la duwanaashaha DARIIQO URUR DIIMEED! Si walba, waan ku guulaysan la’nahay, in aan gar iyo gardarro aqbalno, qofka iyo qolada naga duwan, si walba ha nooga duwanaadee!

Sanadaha burburka, waxaa dalka ka hirgashay, aragti diin iyo isugu jirta siyaasad, oo wixii ka badbaaday 21sano ee cabburinta iyo cadaadiska cagta mariyey. Sida tii hore, aan loo qaddarin ka la duwanaashaha fekerrada siyaasadeed, ayaan kolkanna loo dhawrin aragtiyada diimeed iyo siyaasadeed, ee lagu ka la tagsan yahay.

In kasta, oo mar iyo wax walba, oo ka la duwanaasha dhimaala, aysan ahayn, wax la dhayalsado, haddana, marka ay 3da xagalka ka la ah; DHAQAN, DIIN IYO SIYAASAD ku yimaadaan, waa ka dhib badan yihiin inta kale, oo waxaad ka garan kartaa, sanadahan jihaadka iyo jannadu ay aad u sii yaraadeen soohdimaha ka la duwanaashuhu, oo waa i la mid noqo, haddii kale, gaal, gaaloraac ama bidci ayaad tahay. Bulshadu waa kala DURUQEE, qofkii aanaan SHEEKHAAGA ku DARIIQO ahayn, miyey tahay inuu u HOGGAANSAMO hadalkiisii, oo uuba hantaatac u arki karo?. Igu qabso wixii aan dhaamo, balse, ha igu qabsan qaabkeyga.

Qof walba, oo Soomaali ah, waxa uu yahay, ayaan ku qaddarinayaa, anoon ku faragelin, waxa uu yahay ama haysto. Soomaalinnimadu, ha na deeqdo, nagu filan, nagana badane.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s