Cali Yare iyo Gobollada Dhexe: Guddoon Celis?

Cali yare .jpg
Cali Yare iyo Gobollada Dhexe: Guddoon Celis?

Labo gu’ ka hor ayey eheed markii la is ku hawlay, in guddoon mida loo yeelo degaanka Gobollada Dhexe, mase dhicin, oo ka la qaybsanaantii jirtay ayaa la sii sharciyeeyey. Dib u socod ka weyn ma jiro.
Dhabbaha loo maray, in kasta oo uu illaa xad maangal ahaa, gaar ahaan kii beeluhu maamulayeen dib u sheshiisiinta, haddana markii dawladdii soo gashay, ayaa murrugmaarrugtii billaabatay, walina sidii ayey u socotaa.
Xasil lagu ma dayin iyo xeerin xalraadin, ee waxaa loo maareeyey marooqsi iyo middeennu ha meelmarto. Xildoon xiiqsan, la xoortoonayey xoolo uusan xabbad ku lahayn, xaabo ka lahayn.
Maquuninta waxaa ka mid ahaa, in ergo dhaqan iyo siyaasiyiin isugu jiray loo diiday, in ay ka qaybgalaan shirraka nabadayn iyo kulammo guddoon, ee looga go’aan gaarayey Gobollada Dhexe. Cali Cabdi Wardheere “Cali Yare” wuxuu ku jiray dadkii laga hor istaagay, in ay qayb ka noqdaan dedaallada iyo dalladda maamulka loogu dhisayo Gobollada Dhexe.
Aragtida dib u dhaca ah siday eheed, waxay doonistiisu lid ku eheed sida ay rabeen raggii huwanaa awoodda dawladda. Fagtii hore ayey fiiradiisa iyo faallooyinkiisa ka garteen iyo socod uu ku tagay deegaanka, ka dib, waxay ka reebeen ergadii ka qaybqaadan leheed shirka maamul u dhisidda.
Cali Yare markii hore waxaa laga reebay diyaarad uu ku tagi lahaa magaalada Cadaado, ka dibna waxaaba loo dhaadhiciyey xabsi xaqdarro ah, oo uu ku xirnaa afartan maalmood. Xanuun badanaa!
Haba la xiree, Cali Yare, waxaa xiray dad uu la soo shaqeeyey iyo kuwii dad ugu dhawaa. Aad baa looga wada xumaaday xariggaa, markii dambana maxkamaddu waxay amartay in la xorriyaddiisa la siiyo, maadaama aan dambi lagu helin. Dambigiisu wuxuu ahaa, maxaad uga hor imaanaysaa hannaanka wax loo wado, asoo waliba wax ku leh talada iyo tusaalaha?.
Maamulkii la dhis, Cali Yarana madashaa waa laga maqnaysiiyey, oo markaa xabsi ayuu ku xrinaa. Milayga isbadalkiisa ayey tahaye, oo maalinba meel iyo marxalad gaar ah ku geeyee, maanta mar kale ayaa Gobollada Dhexe maamul mideyntooda mar kale Muqdisho loo fadhiyaa.
Cali Yare madashii iyo maqaamkii shalay laga horayey, maanta wuxuu ka yahay hormuud iyo hage. Saw labo gallinleey xaalkeeda ma ahan!

“Waa dhaqanka maalmee
Mar bay malab ku siiyaan
Mar kalana mariid iyo
Kuu maaxiyaan dacar!

Mar bay madax sidoodii
Maamuus ku huwiyaan
Mar kalana maxbuus iyo
Kaa dhigaan sidii MADI!”

In kasta oo uusan Cali Yare murashax ahayn xilligaa, hanna ka gelin in uu xilkaa tartan u galo, haddana waxaa laga wada cabsanayey ololeyntiisa saamayn xooggan leh. Kuba xasuusta, doorashadii u dambaysay wixii uu wacdaro dhigay.
In kasta oo wadahallada u dhexeeya Galmudug iyo Ahlusunna ay yihiin kuwa adag, haddana waxaa sii murjinaya jiljileeca madaxda dawladda, oo saddaxda u sarreeya labo ka mid ah ka soo jeedaan (MW iyo RW) madax adayga Ahlusunna iyo marmarsiyaha meermeerinneed ee Galmudug.
Marka hadda Cali Yare waxaa saaran musuuliyad aan hore u saarnayn, maxaa yeelay, wuxuu saamayn -inta ay rabtaba ha la ekaatee uu -ku leeyahay dawladdan cusub iyo madasha lagu dhexdhaadinayo labadaa garab, ee is gariifsan, is kuna gawracan.
Caliyoow, shalay haddaad ka ciishootay, in aad ka maqneed madashii Galmudugta cusub lagu dhisay, may, lagaa maqnaysiiyey, maadaama aadan rabitaankaaga uga maqnaan, maanta ayaad haysataa leeddadii (fursaddii) aad ku muujin leheed, ka sokow in aad degaan ahaan ka soo jeeddo, haddaba in aad ka maareyn wanaagsan tahay madaxdii hore, ee ka maagay, in ay maamuuska munaasabkiisa marsiiyaan.
Caliyoow, milaygu wuu kuu soo celiyey maamuuskii ay kaa xireen rag kalee, adigu degaanka iyo dadka Gobollada Dhexe ma u soo celin doontaa maamul mid ah iyo maarayn aan muran ku jirin?.
Si walba, oo aan weydiimaha looga weecan karin, haddana, sida aan maqlay Cali Yare wuxuu ka shaqeeyay, in aysan ka la fogaan Ahlu Sunna iyo dowladdan cusub, oo madaxda Ahlusunno waxay ka qeybgaleen caleemosaarkii MW Formaajo, sidoo kalana wuxuu suurtagaliyey, in Ahlu Sunna ay madaxtooyada ku la kulmaan madaxda dalka, marka aan sugno, dedaallada loogu jiro, sidii xalwaara la gaari lahaa meesha ay ku dhammaadaan.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s