Feberaayo, Fahad Yaasiin iyo Formaajo

18788121_1457377307638801_561960260_n

Feberaayo, Fahad Yaasiin iyo Formaajo

SOONQAAD SUUBBAN

Qof walba maalin leh; dhalasho iyo dhimasho u dhaxayso ama ku dheehan dheef iyo dhib. Waa wareeg, meerto iyo meegaar uu ku dul/dhexjiro qofku, uuna sina uga baxayn, ugana fakanayn. Imaatin iyo bixid ay ku laban tahay liibaan iyo luggooyo is ku ligan ama ka la leexsan. Raadinta adduun iyo doonisteeda nolol, qofba heer, hagaag iyo higsi ku ballee, kuna gardaadi, habacnimo ama hanadnimo mid ay tahayba, haddana, is la iyada ayaa ka la hormarisa, una ka la habaysa, habab iyo hannaanno lagu ka la haray.

Hoodil aan halbeeg, horfadhi ama haybad loogu xisho ama hayb lagu xusho lahayn ayey had iyo jeer heegasada sare gaysaa, halka ay ka ka la haadiso hubqaadka, heegaanka iyo hoggaanka aan dibuharin. Ma hamradaha. Duniyeey xaallaleey.

Feberaayo waxay ka mid tahay milay-yada summadda sooyaal u yeelay nolosheenna maamul iyo dawladnimo, ee suntay ka la guur heer iyo u gudub siiyaal. Mar hadday dunidu maalinba sha’ni la timaad, ugub ku ma ahayn sooyaalkeenna, oo waa adduun lagu arag ay hore noo mareen maalmo la mid ah ama u eg, balse, ay adkaatay HILAADINTU, sida ay marar hore nooga hoosbaxday, in aan helno nudda BADDALKA, si loo hubsado ISBADALKA.

Maalmihii xorriyad ku sheegga iyo madaxbannaanida, 26 juun iyo 01 luulyo, midawgii labada gobol, ee lixdankii, ma filayo, in ay jirto maalin looga farxad badnaa, oo soo martay wadarta bulshada Soomaalida, haddana, waxoogaa ka dib, shaki ayaa billowday, guux iyo gocosho ayaa gees walba la la goohay. Qofna ma saadaalin waxa xigaya madaxbannaanida, markaa ayaa la ka la kooxoobay, lana ka la reeroobay, heer lagu guulaysan waayo, in la qabto hannaan doorasho oo nadiif ah, ka dibna lagu fashilmay, in la doorto MW bedeli lahaa Cabdirashiid Sharmarke, dilkiisii ka dib.

Waxaa noo xigay ciidankii afduubtay dimoqoraayadda kaliya ee ka hillaacday Afrika, ee oggolaatay, in xukunku meerto iyo noqdo qaybsi lagu ka la baxo codod iyo sanduuq, haba laaqnaadaane. Hubaal, in si fiican loo soo dhaweeyey, markii ciidanku marooqsaday awoodihii dawladda oo dhan, sidoo kale noloshii dadka iyo naruuradoodii, oo ay ugu horreeyeen, xornimohadalka, urursamaysiga, kulanqabsashada, hantiyeelasho iwm.

Sidii oo kale, way yareed inta afgembiga u aragtay afduub iyo addinlaab, markaas ayaa sida ciidanku surka u qabtay dadka, iyagana sanka looga qabsaday. La nacay! Ka sokow, qabiilkii milaygii hore ahaa summad hoose oo aan muuqan, maalmihii militeriga, marka laga reebo dhawrkii gu’ ee ugu horraysay, wuxuu noqday summadda badbaadada ama ba’a, oo hadba beesha aad ka dhalatay amaad la dhaqanto ayaad ku baxsan jirtay ama u boqno go’i jirtay.

Shakigii marxaladdii hore guuxa ku sinnaa, wuxuu isu badalay waaqic dhaba iyo xaqiiqo kor loo yiri. Wixii dhacayba ka sheekayn ma leh, oo waaba tan la noqday tusbax go’ay. La ka la haad, haddana, wali dad baa milaygaa u yaqaan BERI SAMAAD, halka aan anigu ku tilmaamo BERI SUMAAD! BERI SIRMAAD! Ka la qixii, qalalabtii la socotay, qalalaasihii ka dabamaray iyo qabqablayaashii ka sheekayn iyo xus ma lahan, oo xanuunnada xusuuseed idin ku badin maayo.

Waxaa xigay, milaygii MAXKAMADAHA iyo wadaaddadii waallada/u waday/wadday. Markan waxaan dhihi karaa, heerka QIIRADU waxay gaarsiisneed haddii aysan ka sarrayn maalmihii XORRIYADDA, oo dareen doodeedku wuxuu ahaa; sida gumaysiga GAALKA ah looga madaxbannaanaaday, ayaa markanna looga madaxbannaanaaday gaaloraacii, loona madaxbannaanaday DIINTA ALLE iyo XUKUN WADAAD!

Ka ma ahayn war wadaad iyo wacaalkii in uusan u hormarin bulshada, waxna aysan ka dhihin, ee suuxinta iyo suuxsanaanta ayaa eheed dhibka waxaa loogu jiraa, in XARIGGII ALLE la jaray! Anigu yaabaye, goorma ayaan xarigga Eebbe u haysannay, sida hadda loo dhigayo? Ka muhimsane, goorma ayaan xarigga Eebbe goynnay, si ay noogu furnaato, in aan mar kale dib u qabsanno? Waxay ka mid ahaayeen weydiimaha maqnaa, ee aan maanka ku soo dhicin, maskaxdana ka/ku soo maaxan, is ka daa, in la maaniyo ama muran la galiyee. Alla yaraydee, inta sidan u aragsaneed!

Xariggii Alle ee ay nagu xiri rabeen rag aan xarigga Allaba haysan, hadday haystaanna u haysta/y, in ay xukun, xoolo, xaasas iyo xilal ku helaan, kuna xalaalaystaan dhiiggeenna, dhaqankeenna iyo dhurkeenna, wuxuu na dhaxalsiiyey, in DIIN DACAREEDKII na la waraabiyey xilli daacuunkii MAXKAMADAHA uu noqdo kii ugu qatar badnaa, oo ay ku qurbexeen dhallin, indheergarad iyo waxgarad bulsho intii aan noolayn!

Si wadaad kuu dilo, dhiiggaagana u bannaysto, waa in uu diinta kaa saaro (GAALAYSIIYO), markaas ka dib dhabarka kaa toogto, adoon ogayn, aqoonna ama ku toogto adoon aqbalsanayn xukunkiisa gurracan iyo afduubkiisa DIIN! Wakil Eebbe oo aa waraaqo aqoonsi wadan!

Malaha waxaa la is lahaa, markan waa markii ay toosi leheed, oo waxaa la helay dhabbihii xaqa, balse, iyada oo calooshu i hurayso, wuxuu noqday la ma arag iyo la ma maqal. Sidii loo ka la fiigay, ayaa wali loo ka la fariistaa! Alla wadaad ma sidan ayuu ahaa! Mar kale, HILAADIN la’aantii halkaa ayey na dhigtay.

Waxaa xigay burburkii ka dib doorashadii ugu horraysay ee dalka lagu qabto, laguna doortay Xasan Sheekh. Aad ayaa loogu guuxay, si weyn ayaa loo soo dhaweeyey. Waxaa la fiirshay labo qodob oo gar eheed, balse, aan si qotodheer looga baaraandegin, looguna lammaanin walxihii kale ee hareer socday ama ku lammaanaan; (1) in uusan ka qayb noqon dagaalkii sokeeye ee qabiilka iyo diinta lahaa. (2) in uu aqoonyahan yahay. Maxaa u dheer, maxaa ka dheer iyo yaa la dhidbay? La is ma weydiin. Iyadoo la haaraamayo, ayuu daaqadda ka baxay. Ar amuu nagu soo laabtaa?!

Sooyaalkaa kooban, haddana karkarka ah ka dib, waxaa lagu jiraa maalmo kale, oo feberaayo uu dhacay BADAL aan la ogayn, in uu ISBADDAL dhalindoono. Sidan waxan u leeyahay, heer kulka QIIRADA ayaa aad u sarraysa marka loo fiiriyo marxalado kale oo na soo maray, oo waxaan dhihi karaa, heerka QIIRADU gaarsiisan yahay, waxaa la gelin karaa khaanadda labada marxalad ee MADAXBANNAANIADA iyo MAXKAMADAHA. DAWLADNIMADA iyo DIINTA.

Madax shibil iyo ciidan isugu jira ayaa xilal ka la wareegay. Dadku waa FORMAAJAYSAN yihiin, waana KHAYRAYSAN yihiin, haddana ma garan karaan, mana kuu sheegi karaan waxa, waaxda iyo wacaalka ay ku yihiin, marka laga reebo, in lagu yiraa; dawladda waqti sii iyo adigu dhaliil un baad waddaa! Hawraarro gar ah, balse, aan lagu qarin karin waaqica jira iyo dhabta taal, aanna dawo u noqonayn, kaba muhimsane, aan HILAADIN loo hayn.

Marka si aan la iigu xuuxin ama la iigu suuxin labadaa iyo kuwa la midka ah, bal HILAADIN ka sokow, aan is dultaago dhacdooyin aan is ku xirkeeda la is ku hawlin ama la is ka wada indha saabayo, si xoogga loo saaro indha sarcaadinta dadka lagu suuxinayo. Ogow, muhim ma ahan, in aan is ku meel wax ka aragno, is ku sina wax u aragno, ee waxaa muhim ah, in aan ka la aragti duwanaanteenna aan is ku dhawrno, adoon ii arag nacab ama nacas!

Doorashadii Xasan Sheekh ka dib, ayaan qoray qormo eheed “MAXAA DHACAY?!” qormada in kasta oo aan labo sadar oo ka mid ah, aan ku hiyitixgeliyey aanna ka xumahay, haddana, waxaan lahaa, war ninku xaggee naga soo galay? Yaa maalgashtay? Yaa soo saaray? Lacagta uu doorashada ku galay yaa soo siiyey? Imw. Ma dhicin, in la iiga warceliyo ama la i la garto, balse, dib ayaan wada garannay, in Xasan Sheekh lacagta uu doorashada ku galay laga keenay dalka Qadar, waana midda Formaajo iyo Khayrraba booqashada ku wada tageen. Horta maxay ka wada hadleen? Ma ogaan karnaa? Fiicnaa leheedaa.

Lacagtaa ma garanaysiin, yaa dalka keenay? Yaa loo soo dhiibay? Yaa soo dallaalay? Yaa soo xambaaray? Kolleey xusuustu aad ayey noogu liidataaye aan sheego. Lacagtaa waxaa soo qaaday, oo dalka keenay Fahad Yaasiin iyo Cabdiraxmaan Caynte. Haddaba, hadda maxay ka la yihiin? Ka sokow, kaalin ma ku laahaayeen doorashadii Maxamad Cabdullaahi “Formaajo”? labadaa warcelin ayaan ku garan karnaa waxa na sugaya maalmaha soo socda iyo in BADALKII dhalay ISBADDAL iyo in kale!

Maadaama sheekada Fahad Yaasiin dheeraan doonto, aan ku hormaro Cabdiraxmaan Caynte. Hore wuxuu u soo noqday wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamigaa xukuumaddii dambe ee Xasan Sheekh. Hadda waxaa loo magacaabay Danjirtada aan ku leenahay dalka Ingiriiska. Ka sokow, wuxuu ahaa agaasimaha rasmiga ah, ee shirkii London ee wafdiga dawladda, halka ay eheed, in kaalintaa loo daayo wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, ooba joogay goobta shirka. Dad badan waxay rumaysan yihiin, in Wasiir Yuusuf lagu sameeyey hawl ka la wareegid “commissariamento”. Ma ogi kaalinta muuqata ee uu ku lahaa doorashada Formaajo, balse, dadka qaar waxay sheegayaan, in uu ahaa is ku xiraha Formaajo iyo ururka Daljir, ee suuragaliyey qayb weyn oo ka mid ah doorashada Formaajo, balse, la la jaray! Ballantii looga baxay, afkana ciidda loogu beegay! Axmad Fiqi meel ku sheega fadlan.

U imow marka Fahad Yaasiin, oo sida aan hore u sheegay, wax ka keenay lacagtii lagu doortay Xasan Sheekh, oo dadku musuq ku eedaan. Fahad wuxuu is ku dayey, in uu soo galo xukuumado dhawr ah oo la dhisay, balse, u ma suuraglin, si gaar ah xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ee ugu dambaysay. Intaa kaliya ma ahane, wuxuu loollan adag la galay raggii ay shalay isgarabsanayeen ee Xasan, Faarax Cabduqaadir, Cabdikariim Guuleed IQKB.

Wuxuu aad ugu dedaalay, in uu noqdo xubin baarlamaan, maalmihii doorashada lagu jiray, balse, u ma suuragelin, oo waxaa uga adkaaday Faarax Cabduqaadir oo lagu tilmaamo madaxii dawladdii hore, heer la is ku dayey, in labo nabaddoon loo ka la magacaabo, maadaama ay is ku beel yihiin.

Ka sokow, Fahad Yaasiin wuxuu maalgeliyey qayb ka mid ah doorashada Formaajo, oo dad badan waxay rumaysan yihiin, in uu kaalin mug leh ku lahaa magacaabista xubnaha Golaha Wasiirrada qaarkood. Saamayntiisa iyo heerkiisa dhawaansho, oo macno siyaasadeed iyo is ku dhacdooyin muujinaysa, waa in Fahad Yaasin uu ku jiray wefdigii Soomaaliyeed, ee Sucuudiga tagay maalintii la magacaabay Xasan Khayrre. Manbsan noocee ah ayuu lahaa? Ma noqon kartaa, is horfariisinta dadkii uu lacagta maalgelinta ka soo qaaday iyo qofkii la maalgashtay? Weyga weydiin kaliya, ma ahan eedeyn.

Anoo intaa aragti, is ku xir dhacdooyin iyo war suuqeed ku haysta, ayaan waxaan la kulmay, mudane xil u doontay Muqdisho. Wuxuu ka la soo laabtay wax uusan filayn, oo uu la soo yaabay. Dabcan, si xil loo helo, wuxuu galaangal ka dhexbillaabay waxgaradka iyo aqoolyahannada beeshiisa, ka dib wixii uu bargaranayey, ee siyaasadda ku jiray iyo qof walba oo uu is lahaa xarig ayuu ku la xiri karaa. Markii uu intaa is ku dubbariday, wixii uu la yaabay, oo malaha soo quusiyey waxay eheed hal weer oo uu qof walba ku dhahayey, oo eheed: “HADDAAD XILKAA RABTO, WAA IN AAD FAHAD YAASIIN MARTAA!” Ogow xilka uu doonayo, ma ahayn, mid sidaa u sii weyn, marka dani waxay ku qasabtay, in uu isaga soo laabto, intii uu Fahad Yaasiin u dabafariisan lahaa xil jaadkaa ah.

Laga yaabee, in laga badbadinayo, oo uusan Fahad Yaasiin awooddaa siyaasadeed lahayn, balse, intan oo qodob i la fiiri, ka dib, go’aan ka ka qaado is ku xirkayga dhacdooyin;

 

(1) kaalintii Fahad Yaasiin ku lahaa, doorashadii Xasan Sheekh iyo lacagtii uu ka keenay Qadar.

(2) sidii uu u raadshay xilka wasiirnimo, gaar ahaan markii uu booska banneeyey Faarax Cabduqaadir.

(3) sidii uu u raadshay xildhibaannimada -oo dabcan uu xaq iyo xuquuq u leeyahay- iyo loollankii uu u maray.

(4) is ku xirka Caynte ee Formaajo iyo xisbiga Daljir, oo dabcan uusan Fahad ka marnayn, maadaama uu ololaha Formaajo lafdhabar u ahaa.

(5) Socdaalkii Sucuudiga oo Fahad Yaasiin uu ku wehliyey Formaajo, iyada oo aan la magacaabin Golaha Wasiirrada.

(6) hadalkan lagu soo yiri wadaaygeey, “HADDAAD XILKAA RABTO, WAA IN AAD FAHAD YAASIIN MARTAA!” oo is ka hadal badni noqon kara.

 

Markaa ka dib, Formaajo wuxuu RW u magacaabay agaasimihi hore ee shirkada “SOMA GAS AND OIL” Xasan Khayrre, oo DF la geshay heshiis shidaal baarineed, iyadoo dhisan muddo yar. Shirkaddan yaa guddoomiye ka ah ma taqaanniin? Nin lagu magacaabo Bansil M. Shiblaq. Intii u dhaxaysay 1976 -1981 wuxuu ka soo dhexmuuqday 6 dhagaysi dacwad maxkamadood, oo ku aaddan; QASID SICIRKA SUUQA, XATOOYO HANTI, IYO BEEN ABUUR AQOONSI. Marka nin sidaa dhaqankiisu yahay, sidee loogu aaminay, in uu baaro khayraadkeenna? Ka sokow, sidee xilka sidaa u culus loogu dhiibay, raggii la soo shaqaystay ama u soo shaqeeyey, ee madaxa noo geliyey shirkaddiisa?.

Dareen ma ku galayaa, mise, waad is ka sii FORMAAJAYSANAAN oo KHAYRAYSNAAN? Shaki ma ku gelayaa mise, waad is ka shibbanaan? Ma arag, ma aqal, ma urin ayaad taagnaan? Adaa xor u ah, ee anna xor iiga dhigin, in aan shakigayga ku caanomaalo, inta aan xaqiiqada dhabta ah ka wada gaaraynno, iyada oo aan qaybo xaqiiq ahna kuu sheegay.

Waxaa jirta hab dunidan wareersan loo qaabeeyey, oo ah, in danaha la leeyahay, mar walba loo igmado, dad gadmaya, si aan loo arag foolkeeda xun iyo qaabdarradeeda, marka ka garo, Xasan oo la lahaa, waddani ma ahayn, wax uu diiday, ayaa Formaajo ansixiyey, oo ah tirada ciidanka ka imaanaya maamullada, ee na loo tababbarayo! Waddaniyadda halka kafad ah ayaan la yaabay!

Gunaanadka, dhacooyinkaa ka dib iyo malayaashaa, maxaa HILAADIN ah? Saadaashu waa sidee? Fadlan QIIRO ha ku warcelin iyo RAJADII UMADDA! HAH! U dhabbagal dhacdooyinkii dhacay sidii uu Formaajo xilka u la wareegay, muxuu uga duwanaan karaa madaxdii ka horreeyey? Muxuu dheer yahay, marka laga reebo QIIRADA lagu taageersan yahay, oo aan kaaga soo qisooday, in aysan qurux gaar ah u yeelayn iyo IGU SAWIRTA aan saab, sal, suureyn iyo la socon sadrin qaab, qodob iyo qaanuun dadka iyo dalka lagu ka la hago? Ogow, tani waa is la teennii eheed; dawladda waqti ha la siiyo, ee siintaa bilaha ay jirto ku qaabi, hana i dhihin waxaa waxqabad ah, in halmar xilka laga qaado intaa oo saraakiil ciidan ah iyo intaa oo guddoomiye. Tan hore waa aqoondarri iyo waalli cas, tan dambana waa falaadkii aan laga fiirsanayn.

Laashin Faarax Seefeey, ayaa ku shirbay shiribkan mugga, macnaha iyo miidda gaarka ah, wuxuuna yiri sidan:

 

“Adduunyo uur lahaan arkaa

Umulisaanse loo arkeyn!”

 

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

4 Comments

  1. Waxaan maqli jiray aduunyo dib u Xun yaab iyo amakaag Norwegian oo xilkii ugu sareyay loo dhiibay iyo Badda oo aan ognahay culeyska heysto iyo tuugada a Som oil isku dhufo maxaa ka soo baxay maxsuulka see noqo donaa?
    Allow Sahal Amuuraha Alle QABE ma Qoofo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s