Maansada: MAAWEELO!

Maaweelo

Maansada: MAAWEELO!


Indhoweydba maansiyo

Meeris gabay ma aan curin

Is ka dhaafay miinleey

Macnahaan u daayana

Maaha mihindis weytee

Markaan maagya amakaag

La fajacay mabda’a jira

Ayaan miraha suugaan

Marintooda joojiyey!

 

Ha yeeshee, mahmaahdii

Murtideedu ay tiri

Madaxii madoow iyo

Middi saawir noqotaba

Samir laga ma maarmaan

Muuqifkeedi qaataye

Mar kaleeto aan dayo

Geeraarka miinleey.

 

Qof kastaba muraad lehe

Marka hore ma aan ihi

Nin mucaarad u xayiran

Marka xigana maan ihi

Damman madax ku sheeggaan

Nin muxaafidkoodaa

Marka xigana maan ihi

Maangaabka daallane

Muusannaaw hadaaqee

Hanka malo’awaalkaa

Lagu marin habawshee

Qiirada maxbuus u ah

Ama madaxda beelnimo

Daraaddeed makriya dulun

Ugu mahad celinayee

Hawadooda meydkaa

Iyo meel ka dhaca badan

Qiil u maaminaayee

U mashxarada maan ihi.

 

Mohashada qabiilkana

Waan ka madax bannaanahay

Maa’maada beentiyo

Ii dhehdana ma qaatee

Xaqiiqada markaa taal

Ayaan muhimaddeediyo

Miisaankeedaa eegaa

Miyir sami ogaalkeey

Garaadkayga maalaa

Oon aqoon ku maanshaa!


Wuxuu masawir tabiyaa

Murti waxaysan koobayn

Haddana muuqa sawirkay

Ishu milicsataayoo

Maskaxduna ogaataa

Macnihiyo ujeeddada

Halka uu ku mudan yahay

Waxse maanta laga dhigay

Macno midaan la hayn iyo

Mid muwaadiniintii

Magacooda dhaawaca.

 

Shalay maanta ku illow

Maantase makaankeed

Ka soo muuqo waa muhim

Midda berri imaanee

Maalinteed xasuusnoow.

 

Maxamadow ha yeeshee

Mushkilada na haysiyo

Musiibada na gaartaye

Milaygeedu raagaye

Mixnad noqotay waayadan

Xal u maaminteed dhaba

Maskax garata maan helin

Maan baara maan arag

Wali maahsan baan nahay!

 

Murti baa mar hore tiri

Maarayn aqooleed

Maqaamkeed haadduu lumo

Meehannaaw abaariyo

Macluul wey ka darantahay!

 

Malabsade markuu tegay

Muudsadaa ka daba maray

Murugsade ayaa xigay

Maantana waxaa yimid

Madadaalo beenloow

Kolba midab ku soo baxa

Marba madal baqoolaha

Muuqaallo mihineed#

Tustusaaya maatida

 

Wixii madax na soo maray

Masuuliin wixii yihid

Maareeye guud iyo

Guddoomiye magaaliyo

Maamule hadday tahay

Mid na hooja mooyee

Midna mariya meel wacan

Wali ma aanan soo arag!

Sababtana aan muujiyo;

 

Mabda’ qoran ma raacaan

Manhaj dhigan ma keenaan

Marjic adag ma yeeshaan

Macnahoodu waa FAAN

Muuqifkoodu waa DHAGAR

Macaashkoodu waa EBER

Maladoodu waa BEEN

Mayalkoodu waa GURAN

Mahbadtoodu waa TOOKH

Muuquudo waa SAWIR

Magacoodu waa BEEL

Meheraddoodu waa DIRIR

Iyo muranno joogta ah.

 

Wixii loo mahduuliyo

Wixii loo maldahayaba

Maangaabka aan garan

Oo aan maamin waayaha

Waa mooge nooloo

Maalinjoogga aragtida

Hadba lagu mashquulshaa!

 

Muhdiyohow mamaayaa

“IGU SAWIRTA” mooyiyo

Marras sawirro la la galo

Mudgi laga ilaaliyo

Loo yeelo midabboo

Mid mid loo adeegsado

Marna miidiyaha iyo

Meelaha mujtamaciyo

Marimmada dadweynaha

Lagu wada marriimaa

Magac lagu ma yeeshoo

Mabda’ qaran ma noqotee

Maxaa maato loo qaban?.

 

Madaxtooyo dhayliyo

Haddii miidda lagu cuno

Macmacaanna lagu cabo

Masaakiinta baahane

Muuqaalkooda murugtale

Laysku masawiraayaa

Maal adduunyo mey lahan

Miro beerna u ma bixin

Manfac dowladeed iyo

Mushaaraadna may helin

Cid kaloo masruuftana

Weligoodba mey arag!

 

Mariid madax ku sheggaan

Sawir maalinlaha badan

Meel kastaba ku gelayaa

Waa mar qura na sheegiyo

Soo is muujin kaligood

Muuqifkiyo go’aankuna

Waa meermeerin dhagareed

Iyo been is maqashiis.

 

Maqaraaruf tuugadaan

Aan maqasha xoolaad

Ama mood adduunyaad

Loo dhiiban karin mirif

Hadday madax inoo tahay

Waxay maadsadaan abid

Anagaa masuul ka ah!

 

Kuwaas mala’aawalkiyo

Maalaayacniga wada

Wax ka daran mallooliga

Moodaya maqaawiir!

 

Mar hadday sidaas tahay

Macno beeshay sheekadu

Musuqmaasuqii koror

Maal QARANNA boob noqoy

Ninba miisay meeshiis

Dabadeed mushaarkii

Maarag maarag na la yiri

Is ku marantay xaajadu.

 

Doorashadii mahduullayd

Afku malab layaashii

Malaayiinta lacageed

Ku awood marooqsaday

Miyaa maanta laga sugi

Inay musiq la diriraan?

 

Inaan musuqa diidnoo

Laaluush ka murannaa

MIIMLEEY ka curinnoo

MAYA ka la go’o laba dhihin

Oon MIDOWBA laga hadal

Waa maan gurracanoo

Aan maaxdiisa waayee

Yaa noo macnayn kara?

Dhammaad.

29/04/2017

MIHIN; qofka wax aan la siinayn loo sheego. Walcin cunto, soor ama wax kale, aanse la rabin in la bixiyo. Dhiibo.


Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s