HUB KA DHIGIS, mise, HUB XAKAMAYN?!

HUB KA DHIGIS

HUB KA DHIGIS, mise, HUB XAKAMAYN?!

 

HUB KA DHIGIS eray mar laab qabowsi ah, haddii LILLAAHI lagu laro, marna ligan ah, haddii laqdabo lagu labo, luq horana kicinaya. Mar kale, HUB waa qatar, dhib iyo dhimaal. Cabsi, cadaadin iyo cabburin. HUB waa cudud iyo colnimo lagu ka la cid iyo ciid galo ama baxo.

HUB KA DHIGIS ayaa maalmahan la hadalhayaa, ee HUB aan la dhigi karin aan ku habeeyo. Hawraarro habboon. Ka dib, sadarrada aan qoridoono, waxaan ku cabbiriayaa aragtideyda ku aaddan waxan lagu sheegay HUB KA DHIGISTA, ee ha qabiilayn, hana deegaamayn, ee fadlan qofee, oo qallooceeda ii soo qor, adoon qarrarid iyo qardajeex is ku qaadin.

In ay habboon tahay, in hubku ku jiro gacanta hoggaanka dalka hadal ka ma taagna, waase hoggaanma? Haddana, waxaa xaqiiqo ah, in hubku uu bulshadeenna gacanta u galay, wixii ka dambeeyey dagaalkii 1977. Sidii dagaalkaa loogu soo jabay, waxaa batay ciidanka dawladda ka la goosta hubka, ka sokow, maadaama dhaqaaloxumo baahsan ay dalka soo foodsaartay, qaar ka mid ah ciidanku waxay billaabeen, in ay hubka gataan. Si gaar ah, waxaa uu hubku fara ka baxay, abuurankii jabdaha hubaysan. Sidaas oy tahay, way is ku dayday dawladdu, inay hub dhigis samayso, balse, markii dambe is la iyadii ayaa hubkii laga dhigay!

Marka hub haysashada bulshada iyo aragtida hub ka dhigistu ma ahan ugub uu la yimid Formaajo, ee wuxuu ahaa soo jireen iyo waayo lagu arag. Inta mar ee la is ku dayey, in hub la aruursho ma tiroyarayn, ee yaan la tirtirin taariikhda bulsho.

Markii xigtay waxay eheed, soo geliddii ciidankii UNISOM faragelintoodii loogu magacdaray “RAJO SOO CELIN!”, iyaguna markii ay baxayeen, ayey intii ay uruursheen dib ugu qaybiyeen dadweynihii. Wixii ka dambeeyey, wixii dalwad la dhisay, dhammaan waa la is ku dayey, in hub ka dhigis la sameeyo, balse, mid walba fudeyd iyo waxaa qaaday waxa aan u baxshay “DHIMAAL DHAQAN” oo waxay hormarinayeen laab la kaca, iyaga oo is moogaysiiya waaqica iyo dhabta jirta, sida haddana taagan.

Intaa ka dib, aan ku la wadaago xaqiiqooyin aan la wada ogayn; hubka muuqda, ee Muqdisho la la maro, ee aan qarsoodiga ahayn, ee saaran baabuurta ama wiilasha baabuurtaa saaran ay sitaan waa afar nooc, oo mid kale ma jiro;

1- hub dawladdu ay leedahay, kuna qoran laamaha ciidanka ee ka la duwan; xoogga dalka, ciidanka qalabka sida, daraawiish, boolis, alpha guruub, danab iqk.

2- hub ay haystaan ciidanka ka socda dalalka Afrika, ee dalka u jooga nabad ilaalinta.

3- hub ay leeyihiin shirkado ganacsi iyo shaqsiyaad caan ah, oo ay ku waardiyeystaan naftooda iyo hantidooda.

4- hub ay haystaan safaaradaha iyo hay’adaha kale ee dalka jooga, sida safaaradda Imaaraatka, hay’daha qaramada midoobay IQK.

Hubka ku jira afartan koox ama qayb gacmahooda, waa hub u diiwaangashan dawladda, oo ay ogtahay, ita hub oo uu haysto/aan, nooca uu yahay, xabbadaha gala iyo waxa guud ee loo adeegsado. Way dhici kartaa, oo la ma dafiri karo, in gef lagu haystao hubkaa, balse, Muqdisho ma yaallo hub qabiil ama beel, ee beenta iyo buunbuuninta dadka ay dalka ugu dambaysay 1990 yeysan idin boojayn.

Haddaba, waxan lagu sheegay hadda HUB KA DHIGISTA yey beegsanaysaa, oo lagu bartilmaameedsanayaa? Inta aanan ka warcelin, wali anigu ma arag, mana maqal taliyaha madaxa ka ah hawlgalkan, oo loogu hagaagayo wixii qaldama ama qalloocda. Waa ha yaacdo iyo maadigaa yiri. Halaambooy. Ka sokow, waxaan caddayn ciidanka ka qaybdaanaya inta qaybood ee ka kooban yihiin.

Tallaabada hawlgaleed ee lagu sheegay HUB KA DHIGIS waxay ku wajahan tahay madax shibil iyo saraakiil ciidan isugu jira, oo hore xilal uga soo qabatay dalwadda, qaarna hadda wali hayaan, haddaba, sidee maangal ku tahay, iyada oo cadawga bulshudu jidka Afgooye fadhiyo labadaba Shabeellana ku leeyahay awood ciidan iyo maamul, in lagu mashquulo dad dawladda u soo shaqeeyey, hubkana u haysta, in ay naftooda ku ilaashadaan, ee aan qof ama qolo ku handadin is ka daa dawlade? Yaa muhimsan, in dawladdu ay xoogga saarto la dagaallanka Alshabaab, siina xiijiyo iyo in ay ka daba anaanunfto dhawr qori oo Muqdisho yaalla, lana yaqaan qofka iyo qolada haysta, waliba u diiwaangashan dalwadda?.

Ka kaalay, ee ka warran, hadddii ciidankan HUB KA DHIGISTA lagu sheegay, ay laf dhabar u yihiin CALOOSHOOD U SHAQAYSTAAL Soomaali ah, oo ay soo tababbaratay Imaaraadku, oo u ilaalsha safaaraddooda iyo xarumahooda kale? Suuragal ma tahay, in sargaal HUB KA DHIGIS lagu sameeyo, loona adeegsado CALOOSHOOD U SHAQAYSTAAL, aan dawladda Soomaaliyeed ka amarqaadan? Haddii garab loo baahan yahay, maxaan loo garabsan ciidanka AMISOM, ooba dalka u jooga arrintaa, mushaarna ku qaata?.

HUB KA DHIGISTA kaalinta ay ku leeyihiin CALOOSHOOD U SHAQAYSTAASHA Imaaraadka waxay kuu xoojinee wararkii badnaa, ee ku aaddanaa doorashadii dalka ka dhacday, ee Imaaraadku ay diiddanaayeen MW Hawiye ah iyo loollanka adag ee ay ku la jiraan Turkida noo qabatay wax muuqda oo la taaban karo. Sida laga helay farriinsidaha danjirahooda u fadhiya Waashintoon, waxay ku lug lahaayeen afgebigii dhicisoobay ee Turkiga, waxay kaloo damacsanaayeen, in xilka laga tuuro madaxda Qadar, haddana, waaba kuwa xiriirka u jaray iyagoo kaashanaya Sucuudi, Baxrayn, Masar, Liibya, Yemen iyo Mauritius, kuwo kalana jidka in ay ku soo jiraan ayaa laga yaabaa, ee dalwaddeenna xaggee ka istaagidoontaa? Sida aan ka baqayo, waa in ay la safato Imaaraadka iyo Sucuudiga, oo ay xiriirka u jarto Qadar, in kasta oo aan filayo, in uu wax ka badali karo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin, oo saaxiib dhaw Qadar ah.

Run kaloo qaraar aan kuu sheego. Muqdisho dadka dhinta badankood u ma dhintaan qori xabbad ka dhacday iyo rasaas lagu furay, ee waxay u dhintaan qarax dhacay, oo sidii uu Formaajo MW u noqday waxaa dalka dka dhacday 30 qarax. Sidoo kale, waxaa lagu dilaa bistoolado, oo dilka aakaha AK47 aad ayey u yartahay, marka labadaa la barbardhigo, haddana, hubka la qaaday isaga ayaa u badnaa, ee ma is qabanaysaa?.

Mid kale aan kuugu daro, oo ah, in waxan lagu sheegay HUB KA DHIGISTA uusan saamayn meelaha ugu muhimsan, ee ah suuqyada madaw ee hubka lagu ka la gato, xaafadaha qaar, sida Dayniile, Yaaqshiid, Heliwaa, IQK, ka muhimsane, dawladdu maxay ka qabatay nabadgalayada iyo xasilloonnimada magaalada sidii ay xukunka u la wareegtay? Haddaba, habka hub ka dhigiista loo maro ta ugu sahlan ugu sharcisan waa sidan;

1- In Maamulku soo saaro go’aanno cad oo lagu mamnuucayo qaadashada iyo haysashada hubka nooc walba oo uu yahay, aanna lagu dhexmari karin magaalada.

2- In farriin iyo dhambaal qoran oo saxiixan loo diro jihooyinka hubka haysata, ee qof, qolo iyo shirkad noqon kara.

3- In bulshada lagu wargalsho warbaahinta, wacyigalin guud iyo mid gaar ahna loo sameeyo, si dadku ugu kalsoonaado maamulka, tallaabada dambe ee la qaadi doono. 

4- In hub ka dhigista lagu lammaaniyo barnaamij yabooh ah; “HUBKA HADAL AMA HOO KU BADALO! oo dadka qaarkii hubka lacag ayey ka baxsheen u mana gadan inay dad ku dhibaan ama dheef ka helaane waxaa ku qasabtay naf ku dhawrasho. Waxaaba ka sii mug weyn qofkii uu u ahaa dakhli iyo il dhaqaale, marka dadkaa oo kale waa in loo helaa xal dhaqaale iyo maalgalin. Intaa ka sokow, waa muhim, in la la kaashado odayaasha dhaqanka, lana gaarsiiyo in ay gacan ka gaysteen sidii arrintaa xal loogu heli lahaa.

Haddii duruufto saamaxayso waa in loo diiwaangalsho wixii af iyo hanti lagu dhawrayo ama lagu ilaalinayoo. Taa badalkeed ganacsata la ogyahay inay xiriirka dadban ama ka tooska la leeyihiin lagu dhiirrado. Sidoo kale, waa in aan odayada loo saamixin inay makaroofan colaad noqdaan ama gurbaankeed garaacan, ee ay ka shaqeeyaan sidii nabad iyo xasillooni loo heli lahaa.

Hubaal, in hubka badan ee Muqdisho iyo dalkaba yaal uu baahan yahay habayn, oo anigan ayaa qatartiisa bulsho soo arkay, marka dhibka baa ah; hubka yaa qadaya, yaase loo dhiibaya? Qofkii hub qarash ku bixiyey, sidee kaaga yeelayaa is ka soo wareeji, adoon wax uga badalan? Formaajo wuxuu ka yimid Maraykanka, oo hubku suuqyada yaal, qofkuna gadan karo, marka hub dawladda u sharciyeysan, sidee xoog ugu qaadan kartaa, iyada oo aan la keenin aragti guud oo dib u heshiisiineed? Micnaha, in laga hormarsho hubqaadista, qorshe qaab la raaco leh, si qoriga loo qaado. Xasuusta ku hay, madaxweyne Obama wuxuu Maraykanka ka hirgaliyey mashruuc ahaa; “HUBKAAGA NAGA IIBSO!” Ka dib markii qasaare badan ka dhashay hubka dadka gacmaha ugu jira, walow ay dad badan u wataan is ku ilaalin.

Ka warran, anaga oo aan is dilnay, ka la guurnay, qaarkeen hub dawlo lagu dilay, isaga oo uu u adeegsaday qof beel kale ka soo jeeda, marka haddii aan intaa oo dhan la fiirin, saw ma ahan kiisa is ka waalnimo?

Ka muhimsane, hubka kaba dhige, naftiisa iyo hantidiisa dawladdu ammaankooda ma kafaalo qaadi kartaa? Teeda kale, Muqdisho way xasilloon tahay, oo u ma baahna xasilin, ee qofka ama qolada hubka haysata, kaliya waxaa ku filan, in la yiraa, magaalada tiro xaddidan ayaad ku dhexmari kartaa, si uusan qalqal ugu abuurin bulshada inteeda kale. Tusaale, qofkii 11 istaaf ah wata, in la yiraa shan ama lix ku soo mar.

Aniga waxay i la tahay, degdgga iyo fudeydka ay caan ku yihiin madaxdan cusub marka laga soo tago, waxaa qaldan adeegsiga erayga HUB KA DHIGIS, oo ay kaga habbooneed HUB XAKAMAYN, maxaa yeelay, qofkan ama qoladan hubka xarrago iyo xashaashid u ma wataan, ee naftuhurnimo ayaa u gaysay, oo waa laga soo gudbay, xilligii ay magaalada qabqablayaashu ku mari jireen 15 gaari oo tikniko ah, marka dadkan qiirayn, yaan lagu ka la dirin ismuujin iyo dhibsobadsi aan meel lagu gaarayn, oo waa hubbanti haddii aan ujeed gurracan ka dambayn, in ay hawlgal MAAWEELO yahay, si loogu daro WAXQABADKA aysan ISU QABAN!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s