Soonqaad wanaagsan mise Ramadaan Mubaarak?!

 

soonqaad

Soonqaad wanaagsan mise Ramadaan Mubaarak?!

Soonqaad suubban

Habeenkii soonqaadku soo galay, ayaa waxaan soo qoray, in adeegsiga afka ay ka mid tahay, in la dhaho “Soonqaad wanaagsan” ee aan la dhihin “Ramadaan Mubaarak”.

Weydiin mug leh ayaa soo laalaabatay, oo eheed “Soonqaad” labo eray ayuu is ka saaran yahay, kan hore “SOON” waa carabi, halka kan dambe yahay “QAAD” Soomaali, marka sidee loo qabadsiinaa “Adeegso afkaaga”? ka sokow, horta, “QAAD” maxaa laga wadaa? Marka qormadan, waxaan is ku dayayaa, in aan kaga warceliyo weydiintaa iyo kuwo kale oo ku lammaanan, ee marka hore afhaysi suubban iyo afur wanaagsaan oo ajar badan.

Waa run, oo erayga “Soonqaad” wuxu is ka saaran yahay labo eray, oo midna dhalad afkeenna ah yahay, midna soo gale yahay, oo ka yimid afqalaad, marka SOON macnayn u ma baahna, oo la wada og, lana wada yaqaan, ee “QAAD” maxaa laga wadaa?.

Is la weydiintan waxaa mid kale ku lifaaqay abwaan Maxamad Xuseen Faarax, oo na weydiiyey; horta ma SOONQAADbaa mise SOONQAD?.

Abwaanku wuxuu ku doodayaa, in af ahaan ay la qumman tahay, in yiraa (Soonqad) maxaa yeelay, ”soon iyo qad” waa labo eray oo ujeeddadooda la garan karo, balse, Soon la garaye, qaad muxuu uu u taagan yahay, oo haddii la dhihi lahaa ”Soonqaado” farid ayaa la cuskin lahaaye?.

Inta aanan labada weydiin iyo isa saarka aanan ka warcelin, waxaa i la habboon, in aan waxyar ka ogaanno xeerarka ka la amaahsiga afafka iyo sida ay u ka la qaataan erayada iyo saamaynta ka/u dhalata erayga ama weerta uu af ka amaahdo af kale.

Afafku waxay isu saameeyaan isuna dhexgalaan, sida waxlaha kale ee nolosha ku xeeraan. Ka la ma maarmaan, in ay erayo ama weero ka la qaataan. Mararka qaar, waaba is qasbadaan, oo is qabsadaan, hadba, heerka iyo itaalka isu dhigmaadka labada af, ee ku aaddan dhaqan, ilbaxnimo, dawlad iwm. Ujeedku, waa mar walba, oo uu afku ka dhisan yahay intan dambe, waa mar walba oo uu awood u yeesho, in uu saameeyo afafka kale, si gaar ah kuwa dariska la ah.

Mararka qaar, afku wuxuu erayada ama weeruhu ku soo galaan ka helid iyo ashqaraar ay ku indha biraanbiraan ama maqalka dhaguhu u bogeen, hab dhaca, dhawaqa iyo dananka la socda erayga.

Afafka saamaynta badan is ku reeba, waxaa ugu badan, afafka is ku abka ah, ee marka ablabalaynta afafka la qeexayo ku wada abtirsida hal koox, sidoo kale kuwa dariska oodwadaageed ah, kuwa diinta iyo cibaadadu ay is ku xirto, kuwa qabsashada iyo maamulka ku xiran IQK.

Saamaynta abtirsi waxaa laga yaabaa, in ay ka xoog badato, dhalashada iyo ekaanshaha erayada ama weeruhu ay ka la qaadan karaan, oo ay adag tahay, in la ka la saaro midka dhalashada ku yimid iyo kan la amaahday. Tusaale (JIRRO) afkeenna iyo kan Oromada waa is ku mid, marka la ma ka la caddayn karo kan uu amaahda ku yahay, maadaama labada af ay is ku abyihiin, kana wada tirsan yihiin bah afeedka Kuushiitig.

Qaybaha kale, ee aan abtirsi ku imaan, aqoonyahannada afafka iyo dhaqammada way u fududdahay, in ay ka gartaan erayada ama weeraha dhaladkaa kuwa soo galaha ah.

Annaga afkeenna waxaa saamayn xooggan iyo raad muuqda ku reebay saddaxda af ee ka la ah: Carabiga, oo diinta dhankeeda naga soo galay, malahana ah afka ugu saamaynta badan marka loo fiirsho afafka kale, ee ingiriiska iyo talyaaniga oo labaduba ku yimid GUMAYSI!

Saddaxda af, ee afkeenna saameeyey waxay ku ka la badan yihiin gobollada qaar, oo carabiga, marka laga reebo erayada diimeed iyo igriisku waxay saameeyn badan ku leeyihiin gobollada waqooyi, halka talyaaniga saamayntiisu ay ku ektahay koofur, iyadoo laga heli karo saamaynta labada kale is la koofurta, balse, ku yar.

Tusaalayaasha saamayn waa badan yihiin, ee anoo dibdhiganaya saamaynta erayo diimeedka aan hormasho kuwa kale ee nololeed iyo maarayn, maxaa yeelay, afafkaa cusub, markii ay na soo galayeen, waxay naga soo galeen, meelo aanan erayo buuxinteed u hayan, sida maamulka, qaybo ka mid ah farsamda iyo adeegyada nolosha (cuntada iyo maqaayadaha).

 

INGIRIISKA;

Tuwaal (Towel)

Bileydh (Plate)

Hudheel (Hotel)

Arbeca (Arbeeko)

Raashin(Ration)

 

Waqooyi Ingiriisku wuxuu badi saameeyey qalabka farsamo, dhimse iyo agabka gawaarida.
TALYAANI:

Shukumaan (asciugamano)

Marsha biyeedi (marciapiedi)

Baalle (palo)

Governatore

 

Talyaanigu wuxuu badi saameeyey qalabka farsamo, dhimse iyo agabka gawaarida.
CARABI:

Gidaar

Dariiq

Daqiiq

Milcaqa waqooyi

Bayd. Ukun. Naalo.

 

Afka Hindigu waa afraad, oo isna erayo afeed badan aan ka simannahay, walow aan la garanayn hab saamaynta iyo raadkeeda toona, waayo, erayadan ma ahan kuwo la dhihi karo weynu amaahannay, oo suugaan hore iyada oo lagu adeegsaday ayey afkeenna ku jirtaa iyo hadalka dadkii hore.

 

Tusaale:

 

Baraf

Baaldi

Aamus

Roodhi

Gaadhi

Laangadhe

Baabuur

 

Intaa ka dib, aan abbaaro qaybta ugu muhimsan iyo ujeedka qormada, ee ah saamyanta erayo diimeedka iyo sida SOONQAAD ku yahay adeegsi af. Marka hore aan afeef dhigo ama aqoonwadaagba aan dhaho. Badi erayo diimeedka afku ka amaahda af kale, waa erayo aan baddalmin, isbaddalin amaba aan hoosgelin xeerarka afkaas, ee jejebinta iyo jujuubka erayada soo galootiga ah, heer ay u ekaadaan ama la mid noqdaan erayada kalee afka amaba aan laga aqoonsan karin.

Marka uu af eray ama weer ka soo amaahanayo ama ka qaadanayo af kale wuxuu hoosgeeyaa xeerarka naxawe, isgedgeddiga eray, dhawaq iyo dhadhan ee afkaa leeyahay, oo mar eray ayuu ku kabaa, mar eray ayuu ka reebaa, mar shibbane ayuu ka jaraa, mar shibbane ayuu ku kordhiyaa, mar waa ka la hormarshaa, mar kale waa ka la dabamarshaa, mar kale ujeedka uu afka laga soo amaahday ugu jiro mid ka duwan ama ka soo horjeeda ayaa loo adeegsadaa.

Marka erayada diimeed iyo weerahooduba sidooda ayey afka ku galaan, oo loo qaataa, looga adeegsadaa, marka laga reebo kuwo fara ku tiris sida SOONQAAD oo kale iwm. U fiirso eraydan diimeed, ee aan sidooda u adeegsanno rogid la’aan; ILAAH, SALAAD, RUKUUC, SUJUUD, DUCO, DIIN, MASJID, RASUUL, NABI, MEHER iwm

Waxaa jira kuwo kale, oo aan ku fariisinnay xeer afeedkeenna, sida AQIN. Tusaale, salaaddda noo AQIN. Carabi waa IQAAMAH. Mar kale, sida ADDIN. Tusaale, salaaddda noo ADDIN. Carabi waa AADAAN.

Sidoo kale, waxaa jira kuwo kale, oo aan adeegsanno, balse, afka ku leh eray dhab ah, sida;

 

DIYO; mag

CUDDO, bilotirsi

 

Markan u kaalay, SOONQAAD sida uu ku noqonayo adeegsi af. Sida aan kor ku xusay, erayada af amaahdo wuxuu ku sameeyaa dhalanrog, oo wuu dooriyaa, marka SOONQAAD waxay u gaartay afkeenna oo kali ah, mana jiro af kale oo lagu yiraa SOONQAAD sidan.

SOONQAAD waxaa isugu darsan saddax hab oo afafku ku rogaan erayda ay amaahdaan, oo ka la ah; dhawaq, shibbane tirid iyo iyo eray ku kordhin, oo carabiga waa SAWM, anaguna waxaan ugu dhawaaqnaa SOON, oo waxaa la tuuray shibbanihii (W) sida shibbanihii (M) loogu rogay (N) oo u gaar ah afkeenna.

Dhanka kale, dhawaq iyo shibbane ka la wareejin kaliya loogu ma simine, waxaa dibka looga kabay eray kale, oo ujeedkiisa adeegsi fadhiisinaya, si uuba uga tiro midabkii uu afkii hore ku lahaa ama malaha uusan soo gale ugu ekaan.

Intaa ka dib, u imow warcelinta weydiintii abwaan Maxamad Xuseen Faarax, ee eheed, SOONQAAD mise SOONQAD?

Erayga (QAAD) marka qaadista wax laga soo tago, sida waysoqaad, weel/ubbo biyaha waysada lagu shubto, waxaa ujeedkiisa af adeegsi ka mid ah, oo uu muujinayaa xil iyo waajib ku dhidban masuuliyad gaar ah.

Erayada uu dibgale u yahay oo dhanna qaabkaas ayuu u janjeershaa. Tusaale; Soonqaad, Xilqaad, Darabqaad Kafaaloqaad, Dammaanadqaad iwm.

Marka qaadistaa, waxay u taagan tahay waa gudasho xil ku saaran iyo ka soo dhalaalid arrin ku mudneed, oo aadan meermeerin karin. Haddii lagu yiraa waysoqaado, waysisiga ka sokow, waxaa ku jira waajibka wayso gudo.

Waxaa harsan weydiinta abwaan Maxamad, in laga hadlo qodobka ah “SOONQAD” oo ujeedka afeedkiisu cad yahay, maxaa yeelay, erayga (QAD) wuxuu yimid (QATOOYO) cunto cunid la’aan haysasho cunno ama la’aanba.

Marka in kasta oo labada ujeed ee Soonqaad ama Soonqad ay isbuuxinayaan isna kaabayaan, oo kan hore wuxuu ku tusinayaa xilqaadis ah, in qofku dusha u ritay soomidda bishan barakaysan ee Soon, halka kan dambe, ku tusinayo, in qofku ka qatan yahay, wax walba oo ka reebban bishan, oo ay ugu horreeyaan cuntada iyo dambiyada. Haahoo, ka la saar labada eray yeysan is ka kaa dhexgelin, maxaa yeelay, qaad ma ahan qad, midi waa gudasho, kan kalana waa qadid. Afhaysi.

Soonqad, waxaa raaci kara, bilqad ama maalinqad, middan ayaa si cad qatooyo baahiyeed u muujineysa. Marka weydiinta abwaan Maxamad waxay marag ma doonto u tahay, sida uu afyaqaan u yahay iyo erayruug, oo bal dhugo, oo dheeho meesha uu erayga ka soo dhalaalsiyey iyo siduu isu saaray. Dhiraandhiriyey.

 

Afkaaga u hiilli

U hiilli ifkaaga

Erayga ugu hiilli

Addinka ugu hiilli

Indhaha ugu hiilli

Arradka ka ilaali

Ku aqri arartiisa

Adeegso tixdiisa

Ku dhigo alifkiisa

Astaan qaran waaye

Ku asal niyaddaada.”

 

Heestii: Afka HOOYO

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s