Maansada: SABOOL!

M Sabool

Maansada: SABOOL!

 

Soofdaran habaaw iyo

Sabsablayn ma fiicnee

Soomaalay dhammaantiin

Balaan idin su’aalee

Sabool talo ma leeyahay?.

Biya suubban saxadiyo

Badar iyo sabuul iyo

Soor wixii la calaliyo

Wax soo saar ma leeyahay?.

 

Suuq iyo badeeciyo

Ganacsiga sarreeyiyo

Sicirgoynta agabkiyo

Saylado ma leeyahay?.

 

Siyaasadda adduunyadu

Waa seero xulufee

Sin wadaagihiisiyo

Sabaduu negaadiyo

Salshiggiisa guud iyo

Saaxiibkiisu waa kee?.

 

Sooyaalka qoran iyo

Saakadaan la joogiyo

Soo socoto saakuun

Sabool muxuu ku leeyahay?.


Waraaq sira saxiixeed

Sadar qoran su’aashiis

Siin beena sabiddeed

Siriq dabin u sooheed

Sir iyo dhagar u siibkeed

Iyo saasin mooyee

Sed maxay u haystaan?.

 

Suu rabo ma yeelaa

Sida roon ma qaataa

Sandullayn koleey tahay

Dad muxuu ka sugayaa?

 

Saboolnimadu sinji iyo

Sawrac gaara may lahan

Dadku waa u simanyoo

Waxa looga siibtaa

Safkeed lagu banneeyaa

Lagu suulin karayaa

Ilbaxnimo siyaada ah

Iyo garasho tii sugan!

 

Dhammaad.

10/06/2017

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s