Hees: Dhawaq

 

Ha dhaadhecee

Ha na dhaafee

Muxuu noo dhigay?

Dheelli laga baqo

Dhugatiyo cudur

Dhaawac mooyee

Dhaymo laga waa!

 

Dhulkii oo idil

Dhuumihii yaal

Dhaqaaliyo talo

Dhawris iyo xoog

Dhawr qofoodoo

Dheef wadaaga

Yuu u dhiiboo

Isku dhaarsaday

Inay dhuuqaan

Dhuunta mariyaan

Wixii soo dhaca!

 

Dhuun wax weyniyo

Dhagax lagu rido

Dhaqsay dacaroon

Abaar dhacartiyo

Jilaal Dhaarsani

Dharaartuu helo

Yaa dhadhama siin?!

 

Ha na dhaafee

Dhamoow kee baa

Dhiisha noo furi

Dhaami doonoo

Dhabarkii iman?.

 

Ma dhoohane kale

Aan dhib mooye

Dhawrsanaan wadin

Dheri maraniyo

Dhimaal uun wada?.

 

Ma waddani dhaba

Dhurya dhaqankii

Iyo xeer dhigan

Nagu dhaqayoo

Dhulka guuliyo

Dhisme qarannimo

Dhamoow gaarsiin?

 

Ma dhukane jaan

Dhuunkal iyo belo

Dharkayn nagu shuba

Dhaaya beel iyo

Dhacar laga helo

Dhanna laga hubin

Ma dhadhamo raac

Margi dhiibsanoo

Dhimrinaynoo

Dheel galbeediyo

Dhashoodii wada?.

 

Dhega awdani

Waa dhibaatee

Dhawaqaygiyo

Sawtka dheeriyo

Yuu ku dhaafine

Dhugo sheekada.

 

Dhidirrada tuban

Isma dhaamaan

Hadba dhababaco

Haw dhaqaaqine

Dadow dhawrsada

Yeysan idin dhumin!

 

Maxaa dhimmanoo

Dhanka kale yaal

Dhacdo hore iyo

Dhigaalkaa warin.

 

05/05/2014

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com