Damacu waa abuur noolaha dhan ku wada beeran, waa dhaqaajiyaha riixaha iyo hagaha noolaha ku mashquulsan soo dhicinta nolol maalmeedkiisa, waa unug ku daabacan dareen sidaha noole walba, sidaas isagoo damucu ah ayaa nooluhu ku kala tagsan yahay kuna kala duwan yahay oo midba dhinac ka galay midba si u galay.

Xoolaha dab joogta ah isku damac ma wada ahan, Geelu ku damac ma ahan Ariga, Lo’duna ku damac ma ahan Idaha. Duurjoogta isku wada damac ma ahan, Dugaagtuna isku damac ma aha, weerarka iyo hujuumku ha ku dhisnaado noloshooda, haddana, Dhurwaagu ku damac ma ahan Libaaxa, Shabeelkuna ku damac ma ahan Dacawada, kala duwanaanshahaas wuxu muujinayaa hanka ku jira inta uu la eg yahay ee daaban yahay, waxa uu higsanayo iyo waxa uu soo dhacsanayo.

Damaca dadka wax sidaa ah kama duwana kan xoolaha, waxaadba moodda inuu ka sii xooggan yahay ama ka sii qodan yahay, haddii uusan ka sii xumayn, marka laga eego in Aadanahu leeyahay Aqli uu ku xisaabtamo iyo garasho uu ku xukuntamo, siyuu uga baaqsado xadgudubka iyo gabood falka, qof walba wuxuu rabaa wuxuu Cuno, Cabo, Xirto iyo hoyasho. Intaasi waa aas-aaska nolosha la’aanteed aysan nololi jirin, sidoo kale, qofku wuxuu u baahan yahay: magac, sharaf iyo xarago, wuxuu u baahan xil iyo jago. Sidaa darteed, xaqiijinta arrimahaas oo dhan, qaar ka mid ah ama mid ka mid ah waa lagu kala gaddisan yahay hannaanka iyo wadada loo marayo ama lagu xaqiijinayo.

Horudhacaas gaaban ka gadaal aan u gudogalno ujeedka iyo nuxurka qormada. Waxaa muuqda oon caddayn u baahnayn in Aadanaha ay waddo dan iyo damac, Soomaaliduna ay isku mari la’dahay arrintaas, sababtoo ah, damac iyo dan marka ay meesha soo galaan, waxaan la hurayn sadbursi iyo xaqdarro, illeen waxaan isku meel galayn dan gaara iyo dan guude.

Qabqablayaashu waxay shir walba u fashilin jireen waa inay dantooda ka waayeen, hal qabsigii ahaa: ”Looma dramma!” wuxuu ka turjumayey damacooda dahsoon iyo danahooda gurracan ee gaarka ah, illeyn waxaa ka maqnaa waa dantoodee, qabqablayaashu wixii ay naxli iyo dulmi maleegi jireen waa laga soo gudbay, balse, cidna daah kama saarnayn inay ahaayeen qawlaysato qaraabanaysa qarankana u qabiray qabiil!

Qabqablayaashii markii daaqadda laga saaray loona awood sheegtay, waxaa soo baxay wadaaddo DUUB xiran, madaxuna u HAGOOGAN yahay, ay ka muuqato waxa la yiraa ”Calaamadda SunnadaQAMIIS CAD iyo CIMAAMAD CAS hadduu CIGAAL wehliyana AJARKU sii badanayo! Waa sida loo dhigay.

Wadaaddadu waxay bulshada ku dagaal galiyeen DIIN, SHAREECOISLAAM iyo in dhibka looga bixi karo ALLE oo loo laabto, kitaabkiisana la isku xukumo! “Ninba dhan u badi!” qabqabluhu wuxuu adeegsan jiray QABIIL, wadaadkuna dadka wuxuu ku suuxiyey DIIN, nin walba wuxuu far iyo suulin karo fariidna ku yahay faaf reebkeeda ayuu fagaaraha la yimid.

Wadaaddadu maadaama ay kaashanayeen RUUXAANIYADDA waxay heleen taageero ballaaran, waxaa looga codeeyey dal iyo dibad, waxaa looga soo gurmaday miyi iyo magaalo, waxaa loo huray naf iyo nool, waxaa intaas oo dhan loogu sameeyey in loo qaatay ama la mooday inay ALLE u dhow yihiin cabsidiisuna ay QANJAHA buuxdo! Balse, ayaan darree waa Soomaali caadadeedee maxay ka dhaxashay?!

Soomaalidu midda aysan waligeed waayaha wax uga baranayn waa caadifadda iyo bururka! Lama dhihin wadaaddadu maxay qabqablayaasha kaga duwan yihiin? Xisaab hoose iyo turxaan bixin midna lama samayn, lama oran nimanka armuu damacii waalnaa wadaa? Illeen iyaba waa RAGE darajo iyo xilna diidimaayaane! Lama dhihin horay ma u soo tijaabinay oo ma na soo mareen xukun iyo xilba? Si looga digtoonaado in isla wadadii shalay la qaado.

Damicii wadaaddada lama marba wuu hirgalay, waa mare billowgii Maxkamadaha xilligii ay wada-jireen, waa marka labaade wuxuu kaloo hirgalay xilliga Dawladda Islaamigaa ahaa (Dawladdii Shariif). Isku doo wada duubee wadaaddadu waxay xusul duub ugu jireen sidii ay duubka Diinta ugu darsan lahaayeen duubka Qaranka, taasna waa mid ay xaq u leeyihiin, balse, dhabbaha ay u mareen ayaa ahaa mid qalloocan, ma ahayn inay diin ku soo gambadaan.

Damaca wadaaddadu inuu daarta Madaxtooyada ahaa daliilo balaan u keeno, waliba  dibnahooda ka soo baxay. “Madax meel ka sarraysoo la salaaxo ma lahan” waa tii la yiriye, madaxa dawladda Islaamiga ah mudane Sheekh Shariif balaan ka billaabo, isagoo booqasho ku jooga waddanka Maraykanka wuxuu sheegay: “In Masaajidyada lagu dooriyo Maskaxda dhallinyarada, Waalidiintuna ay ka fiirsadaan inay carruurtooda ku aaminaan Culimada Masaajidyada!”

Hadalkaas waa dhab Maxadweyne Shariif oo u arkay dhallinyarada laga soo diro Masaajidyada qatar ku soo food leh xukunkiisa, markaas ayuu Masaajidyada sidaa u weeraray, balse, Madaxweyne Shariif shalay marka ay Masaajidyadu danahaa kooxdiisa (Maxkamadaha) wadeen waxa laga sheegayo lama qaldanayn! Illeen waxa la sheegayo waxay ku shubmayeen shabaqa Shabaagtiisee, ninkii dhaleecayn kale soo jeediya isagu wuxuuba ahaa GAAL ama GAALORAAC aan IIMAAN lahayn!

JIHAADKII shalay JANNADA lagu jarinayey ee wiil iyo waddan lagu wanjalay maanta wuxuu noqday fal ARGAGIXISO oo laga noxo, barri haddii ay xukunka qabtaan qolyaha sheegta mucaaradka (Al shabaab & Xizbul Islaan) iyana isla meeshaa ayey ka miisi doonaan, haddaba, waxaa ayaan darro ah in Diinta marna laga dhigto gaadiiid lagu dangaaro marna laga dhigo wax lagu gumoobo oo ay waajib tahay in la gano gidaarkana laga tuuro.

Aan dhextaal uga dhigno is fadeexaynta jaallayaashii Jihaadka iyo jilayaashii Janadii shalay ee Jaxiimada isu rogtay. Col: Xasan Daahir Aways oo u jawaabaya Madaxweyne Shariif ayaa mar sii horraysay isaga oo TV-ga Aljazeera siinaya waraysi yiri:”markaan wada jirnay sidaan ayaan samaynaynay, ee ma xilligaan ayaan ku dambi mudanaynnaa? Horay dambiilayaal uma aanaan ahayne” isagoo ka jawaab celinayey waydiin ahayd: “maxaad maatida uga dhex dagaalamaysaan?” maadaama uu dhibku ku dhacayo shacabka.

Jawaabta oo uu kaga jeeday shalay markaan mid ahayn oon wadajirnay xabbado laga dhex rido iyo madfac laga tuuro maatida way jirtay waxna kama dhihi jirinb bal JIHAAD ayeyba eheed, ee maanta eedda maxa keenay? Balse, waxaa hubaal ah inay isna sugayso isla su’aashaan, waa tii horey loo yiri: “Garaad naqayso oo kugu naqsan ayaa jirta!”.

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda dawladda Islaamiga ah mudane C/raxmaan Janaqow, isaga oo ka hadlayey kulan ballaaran oo uu la qaatay Soomaalida ku dhaqan magaalada Torino ee ku taal waqooyiga Talyaaniga, wuxuu afbuuxa iyo erey cad ku yiri: “Dantii aan lahayn waan gaarnay!”. Maalmo ka horna wuxuu yiri: “Waxaan nahay Alxizbul xaakim”. Labada hadal si mug leh ayey isu fasirayaan, iyadoon waxba la isu jarjarin ama xisaab la isu gayn.

Wasiiru Dawladaha Gaashaan-dhigga Dawladda Islaamiga ah mudane Indhacadde, markii hore wuxuu hormuud ka ahaa Alshabaab, balse, markii loo ballan qaaday inuu xil ka qaban doono Dawladda Islaamiga ah wuu ka soo goostay Alshabaab, maxaa is badalay? Ma Shariifbaa is badalay mise dan ayuu meesha ka arkay Indhacadde? Waxaa iska muuqda inuu wuxuu ku qoonsanayey ee ahayd xil la’aanta laga raalli gareeyey oo xil loo dhiibay, taasna uu uga soo baxay Alshabaab.

Hab dhaqanka wadaaddada Jihaadka madaw waxay caado ka dhigteen inay ku celceliyaan waddanka waxaa jooga ajaanib ka wadda qas iyo lab, sow ma ahan in ajaanibta waddanka joogtaahi raggii iyagu ay u yeerteen oo ka garab dagaallamayey? Yey ka qarsan tahay inay maxkamadaha ka garab dagaallamayeen ajaanib? Maxaase maanta looga abaal dhacayaa oo sidaan la isaga fogaynayaa?.

Midse yaan loo qaadan ama qalad loo fahmin, inaan ajaanib difaacayo ama aan u rabo inay waddanka joogaan, waan taageersanahay in mid mid loo siibo oo loo ugaarsado iyadoon shacabka waxba la yeelayn, arrintaan waxaan ku caddeeyey maqaalkaygii ahaa: “Ugaarsiga Argagixisada Umaddaa ku Diirsata”. Waxaanse uga jeedaa, ninkii ay shalay walaashanayeen ma inay maanta waa argagixiso noogu sheegaanbaa? Qiimaynta shacabkaa leh, arxanlaawe aragagixiso ah iyo naxariiste raxmadleh!

Middase bannaan taalka ah waa in wadaaddadu markii ay xukunka hantiyeen xooreen dhammaan xeeladihii ay shalay ugu soo xamaarteen xarunta Madaxtooyada, waa qasab in xilli walbaa lala yimaado taatikadiisa, balse, waa inaysan isku soo xamlin Xukun Alle iyo Xadiis Nabi! Xilka doon xeel iyo tab ku soo xeeri, balse, xikmadda Diinta xanaf ha u yeelin! Waa muuqataa sida wax isu badaleen:

DIINTII SHALAY DARAJADA MAANTA

JIHAADKII SHALAY JAGADA MAANTA

SHAREECADAII SHALAY SHAKARKA MAANTA

MAXKAMADIHII SHALAY MADAXTOOYADA MAANTA

WADAADNIMADII SHALAY WASIIRNIMADA MAANTA

QAMIISKII SHALAY SUUDKA MAANTA

CIMAAMADDII SHALAY GARAFATIGA MAANTA

WACDIGII SHALAY WIIRSIGA MAANTA

Ugu dambayn, waxaan rabaa in la ila garwaaqsado Soomaaliyeey inta laablakaca iyo caadifadda dhinac la iska dhigo in wadaaddada aysan ujeed kale ka lahayn wixii ay shalay sheegayeen, oo aan ka ahayn inay ugu dugaalayeen inay ku dan gaaraan. Taas waa mid soo ifbaxday kana garan kartid nin walbaa meesha uu ka bus kiciyey ama u dheelliyey.

Waxay tahay inaan iska dheeraynno inaan dhaqan ka dhiganno inaan wax walba ka hormarinno sidaan jecelnahay, taas waan soo aragnay waxyeelladeeda iyo hadimada ay na gaarsiisay. Haddaba, waa inaan caqliga ka shaqaysiinnaa, oo aan ku cabbirnaa wax walba oo nagu soo ciira, tas ayaan uga cayman karnaa xal u helidda caqabadaha na soo food saara ama u baahan cillad bixinta iyo inaan ka waaqsanno ciribxumo iyo cadaab joogtaa.

 

Oktoobar, 2009 

 

Bashiir M. Xersi