Image

Maansada: MOOSHIN!

 

Malabsade inkaarqaba

Muudsade wixii dehan

Marras aan u nixinoo

Maatada xasuuqoo

Marna laaya gabannada

Aan miciin u fidinoo

Miinada u dhiga’oo

Ama MOOSHIN keenoo

Magaalada qasaayoo

Manfciisa eegtoo

Marfashyada ka qaylshoo

Ku marqaama QAADkoo

Maandooriyaha cuna

Maxaa laga sugaayaa

Maa qoorta laga xiro

Muusiibada fidnada iyo

Lala mooso sharihiis?.

 

Ninkaan muruqu kaa dhicin

Ku muquunin xooggaa

Sharci meel ma mariyee

Mooryaanta kala dira

Madmadawga duugoo

Inta maahsanoow kaca

Waa laydin mirayee

Iska diida male iyo

Meermeeris badan iyo

Maaweelo beeniyo

Waxaan maanka gali karin!

 

Mooshinoow maxaad tahay?

Macaashkaa ma dheef baa

Mise waa dhibaal iyo

Dhimaal iyo munaafaqad?

Yaad meherddiis tahay?

Yaa maganta kugu dhaca?

Yaa martida kugu dira?

Yaa masruufka kugu qaba?

Yaa mudane kugu noqon

Adi kugu mudnaan qaba?

Yaa madasha kuu dhiga

Malliiqdaada fadhigiyo

Masallahaaga yaa fura?

Yaa maalka kugu xada?

Yaa maala soofkaa

Kugu miista xooloo

Miisaanka kugu rida?.

 

Dadku waa madluun dilan

Masaakiin wax haynoo

Midigtood la laaloo

Gacantoodu maran tahay

Shaqo iyo xamaal ma leh

Macaash iyo dulsaar ma leh

Miro iyo abuur ma leh

Mooska beerta lama laha

Mishin iyo farsamo iyo

Makiinado ma yaallaan

Waxaa lagu mashquuliyey

Mooshin aan dhammaanoo

Marso aan dhisaynoo

Machad aan furaynoo

Macne aan samaynoo

Miisaaniyad kabaynoo

Aan hor-mar curin karin.

 

Inta magacu raacee

Mansab beena haysee

Isu hayta madaxdee

Kuwa maqan ka liitaa

Waa maqane joogee

Haw moodin madax iyo

Inay talo mug weyn iyo

Tusmo ay maleegaan!

 

Maamule hankii yahay

Adiguun mushaar qora

Mabda’iisu ruug yahay

Macaawinada leexsada

Inta kale mesaal ma leh

Mooro iyo aqool wadin

Maaraynya hagid wadin

Maxaa lagu tilmaamaa?!

 

Mashaqaan idlaanayn

Mugdi aan iftiin jirin

Muuq sii galbanayiyo

Magac sii tirmaayiyo

Muunaad sii le’eysiyo

Maamuus hallaaboo

Maqalxumo la jaar tahay

Maalmo aan dhammaanayn

Yaa maanta nagu hogan!

 

Dhammaad.

22/05/2014

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/